Somali News

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo Muqdisho ku gubtay raashin uu horay u bixiyay barnaamijka cunnada ee WFP

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo Muqdisho ku gubtay raashin uu horay u bixiyay barnaamijka cunnada ee WFP

Posted on 20 Aug 2010 at 10:34pm

Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee gobolka Banaadir ayaa maanta ku gubay magaalada Muqdisho raashin ay horay u bixisay barnaamijka cunnada adduunka ee WFP, iyadoo raashinkaas la sheegay inuu dhacay.

“Raashinka aan gubnay oo dhacay wuxuu isugu jiraa Galley, Boorash iyo Qamadi, waxaana kusoo qabannay howlgallo aan ka sameynay degmooyinka gobolka,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo shir jaraa’id qabtay markii raashinka la gubay.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in raashinkan ay soo ururiyeen maalmo kala duwan ayna qaarkood soo qabteen iyagoo lagu wado gaadiid, halka kuwo kalena ay kasoo saareen bakhaaro ay ku keydsanayeen.

“Maanta kaddib qofkii lagu helo raashinka WFP, waxaana loo arkayaa cadow dhib ku haya shacabka, waxaana laga yabaa in lagala wareego gaadiidka, bakhaarka ama wax walba oo uu ku wado, isaguna uu muto dil,” ayuu yiri Sheekh Cali.

Wuxuu sheegay inay siinayaan ganacsatada muddo laba maalmood ah oo raashinka ay hayaan ay ugu wareejiyaan walaayaadka gacanta ku haya deegaannada ay ku sugan yihiin, isagoo sheegay wixii markaas ka dambeysa ay sharciga la tiigsan doonaan qofkii ay ku qabtaan.

Raashinka la gubay ayaa waxaa dusha sare kaga yaallay calaamadda hay’adda WFP iyadoo lagu soo beegay gubiddiisa kaddib markii 30-bakhaar oo ay raashin ay bixisay WFP ay Xarrakatul Shabaab shalay kula wareegtay magaalada Baladweyne.

Dowladda Hindiya oo sheegtay in maraakiib dagaal oo dheeri ah ay u soo direyso badweynta Hindiya si ay !

Dowladda Hindiya oo sheegtay in maraakiib dagaal oo dheeri ah ay u soo direyso badweynta Hindiya si ay !

Posted on 23 Nov 2009 at 7:22am

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in maraakiib dagaal oo dheeri ah dagaal u soo daireyso badweynta Hindiya si ay ula dagaalamaan kooxaha burcad badeeda.

Iyadoo ka jawabeysa falalka isa soo taraya ee ay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ku afduuanayaan maraakiibta isaga kala goowshta gacanbiyoodka cadmeed iyo badweynta ayaa xukuumada Delhi maanta waxa ay shaaca ka qaaday in ay maraakiib dagaal oo dheeri ah ay u soo dirayaan badweynta Hindiya Gaar ahaan jaziiradaha Siishalis iyo Moorijiyoos kuwaasoo kulaala badweynta hindiya.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee wadanka Hindiya ayaa sheegay in ay u soo direen biyaha wadanka Soomaaliya maraakiib dagaal oo ay wehliyaan diyaradaha qumaatiga u kaca oo loo yaqaano helicopterska si ay gacan uga geystaan howlgalka lagula dagaalamayo kooxaha burcda badeeda ee ku sii baahay badweynta Hindiya.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in ay maraakiibtaasi si dhaw ula shaqeyn doonaan ciidamada ilaala xeebaha ee dalalka Sishalis iyo Moorijiyos halkaasoo noqotay goob ay wax ka ugaarsadaan burcad badeeda Soomaalida

Si kastaba ha ahaatee bad weynta Hindiya ayaa waxa ku sugan maraakiib dagaal oo ka kala socda dalal fara badan oo caalamka kuwasoo ilaa iyo hada xal u la’ kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Ururka Xisbul Islaam oo sheegay in ay maanta dib u fureen garoonka Diyaaradaha Cisileey iyo Dekadda

Ururka Xisbul Islaam oo sheegay in ay maanta dib u fureen garoonka Diyaaradaha Cisileey iyo Dekadda

Posted on 23 Nov 2009 at 7:08am

Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta sheegay in ay dib u fureen garoonka Diyaaradaha Cisileey iyo Dekadda Ceel Macaan ee duleedka magaalada Muqdisho.

Xoghayaha war faafinta Ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin Cali oo saxaafada kula hadlay gudaha garoonka Diyaaradaha ee Cisileey iyo Dekadda Ceel Macaan ayaa waxa uu sheegay in maanta ay si rasmi ah u fureen Airporka iyo Dekadda Ceel Macaan.

Waxa uu sidoo kale ka warbixiyay sababta ku kaliftay in ay dib u howlgaliyaan garoonka Diyaaradaha Cisileey iyo dekadda Ceel Macaan ee duleedka magaalada Muqdisho isagoona sheegay in markii ay arkeen baahida dadka shacabka ay u qabaan in dib loo furo garoonka iyo dekadda Ceel Macaan ay iyagu go’aan sadeen in ay diba u howlgaliyaan.

Sheekh Maxamed Macalin Cali oo ah Xoghaya war faafinta ee Ururka Xisbul Islaam ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dhibaato uu sheegay in shacabka qaybeehada kala duwan ay kala kulmaan garooonka Diyaaradah ee magaalada Muqdisho iyo waliba Dekadda gaar ahaan goobaha ay maamulaan dowladda KMG Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigay.

Wasaaradda waxbarashada dowladda KMG ee Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u fureyso!

Wasaaradda waxbarashada dowladda KMG ee Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u fureyso!

Posted on 21 Nov 2009 at 8:02am

Wasaaradda waxbarashada dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in ay dib u fureyso xarumihii waxbarashada eek u xirmay dagaalada Muqdisho.

Wasiirka wax barashada dowladda KMG Soomaaliya Maxmed C/laahi Waayeel oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu xusayay 21-ka November oo ku began maalinta macalinka aduunka ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in ay dib u dayactirayaan iskuuladii ku burburay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho isagoona sidoo kale sheegay in ay iskuulo isugu jira hoose,dhexe iyo sare ay ka hirgalin doonaan gobolada dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa uu kale uu sheegay in kuwa hadda ka furan magaalada Muqdisho ay dib u hormarin doonaan.

Hadalka Wasiirka waxbarashada dowladda KMG Soomaaliya Maxmed C/laahi Waayeel ayaa imaanaya xilli 3-dii sano ee ugu danbaysay ay qaar kamid ah Iskuuladii ku yaalay magaalada Muqdisho ay ku xirmeen dagaaladii ka dhacayay dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyadoona ardaydii dhigan jirtay Iskuuladaasi ay u barakaceen duleedyada magaalada Muqdisho,gobolada dalka iyo dalka dibadiisa.

Si kastaba ha ahaatee maalmo ka hor ayay ahayd kadib markii Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda KMG Soomaaliya Pro Ibraahim Xasan Cadow uu sheegay in ay qorshaynayaan sidii ay u midayn lahaayeen Jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho.

Qaramada Midoobay oo wada dadaalo ay doonayso in ay cunaqabatayn ugu rogto dowladda Wadanka Eritrea.

Qaramada Midoobay oo wada dadaalo ay doonayso in ay cunaqabatayn ugu rogto dowladda Wadanka Eritrea.

Posted on 20 Nov 2009 at 7:34am

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegtay in ay wado qorshayaal ay cunaqabatayn ku saarayso wadanka Eritrea.

Dib u lumaasiyiin ku sugan magaalada New York ee xarunta Jamciyada Qurumaha ka dhaxaysa ee dalka Maraykanka ayaa waxa ay sheegeen in xilligan ay abaabulayaan qaabkii loogu kici lahaa cuno qabatayn lagu rogo dowladda ku taala geeska Africa ee Eritrea iyadoo lagu eedaynayo in dowladda wadanka Eritrea ay xisiloonidii u diiday dalka Soomaaliya sida ay dib u lumaasiyiintaasi hadalka u dhigeen islamarkaana ay dhibaato ku hayso dalka ay deriska yihiin ee Jabuuti.

Waxaa go’aankaasi lagu sheegay kadib kulan ay Golaha amaanka ee Jamciyada qurumaha ka dhaxaysa ku yeesheen magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Waxaana ilo wareedo ku sugan magaalada New York ay sheegayaan in warbixintii ugu danbaysay ee ku aadan mashruucan cunaqabataynta loogu rogayo dowladda wadanka Eritrea ay soo gudbisay dowladda wadanka Uganda oo ciidamo ku dhawaad 3-kun oo Meleteri gaaraya ay uga sugan yihiin magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya sida warbixintaasi ay soo xigatay wakaalada wararka ee Faransa Press.

Waxaa qubarada iyo dib u lumaasiyiinta ku sugan magaalad New York ee dalka Maraykanka ay sheegeen in warbixinadaasi loo gudbiyay wadamada joogtada ka ah golaha amaanka ee Jamciyada Qurumaha ka dhaxaysa ee gaaraya 15-ka dal kuwaasi oo leh cod xaqiijin kara in dowlada Eritrea lagu rogo cunuqabatayn hadii ay isku raacaan dalalkaasi.

Mashruucan ayaa waxa uu tusayaa Golaha amaanka ee Jamciyada Qurumaha ka dhaxaysa in hub badan la galiyay dalka Soomaaliya ayna arintaasi ka danbayso dowladda Eritrea sida ay hadalka u dhigeen islamarkaana hadafka dowladaasi uu yahay in ay xasilooni u diido gobolka geeska Africa sida ay dib u lumaasiyiinta warbixintooda ku qoreeen.

Dowladda Eritrea ayaa waxa ay marar badan iska diiday in ay wax lug ah ku leedahay dhibaatada ka jirta wadanka Soomaaliya iyadoo diiday sidoo kale in marar badan ay hub u dhoofisay dalka Soomaaliya iyo in ay taageerto dhinacyada isku haya Soomaaliya midkood iyadoo sheegtay in dowladda haatan ku sugan magaalada Muqdisho ay tahay mid ay soo dhoodhoobeen dalal dano gaar ah ka leh dalka Soomaaliya islamarkaana aanay nabad iyo xasilooni dib ugu soo celin Karin wadanka Soomaaliya.

Diyaarado Jawi hoose ku duulaya oo guuxoodu aad u sareeyo oo xalay lagu arkay magaalada Kismaayo !

Diyaarado Jawi hoose ku duulaya oo guuxoodu aad u sareeyo oo xalay lagu arkay magaalada Kismaayo !

Posted on 20 Nov 2009 at 7:26am

Duyuuradahani ayaa xalay fiidkii waxaa ay jawi hoose ku dul heehaabayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose,waxaana guuxoodu ay ahaayeen kuwa si saa’id ah looga maqlayay xaafadaha kala gadisan ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose.

Macada tirada ay le egyihiin diyaaradahaasi,hase ahaatee fiidnimadii xalay ayaa mar qura waxaa guuxooda laga maqlay magaalada Kismaayo iyadoona ay saamayn ku yeesheen dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo kuwaasi oo ay la soo daristay cabsi aad u xoogan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Walaayada Islaamiga ah ee gobolada Jubooyinka oo ku aadan diyaaradahaasi Jawiga hoose xalay ku dul heehaabayay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose iyadoo aysan sidoo kale jirin wax howlgal ah oo ay sameeyeen Ciidamada Walaayada Islaamiga ah ee gobolada Jubooyinka gaar ahaan Ciidamada Cirka oo iyagu hadda ka hor diyaarad nuuca aan duuliyaha lahayn ku soo riday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose.

Madaxweynaha Filipiin oo sheegtay in ay tababar u fidinayso ciidamo dhinaca badda oo ?

Madaxweynaha Filipiin oo sheegtay in ay tababar u fidinayso ciidamo dhinaca badda oo ?

Posted on 02 Sep 2009 at 2:40am

Madaxweynaha dalka Filipiin haweenayda lagu Magacaabo Gloria Arroyo ayaa waxaa ay sheegtay in dowladeeda ay ka caawinayso dowladda KMG ee Soomaaliya tababar la siinayo ciidamadeeda badda si ay ula dagaalamaan kooxaha burcad badeeda.

Gloria Arroyo Madaxweynaha dalka Filipiin oo ka qeyb galaysay kulankii Madaxda wadamada Midowga Africa ay ku yeesheen dalka Liibiya ayaa ka muujisay dhibaatooyinka soo kordhaya ee kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay ku hayaan maraakiibta ku safarta biyaha gacanka cadan iyo xeebaha Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Filipiin Gloria Arroyo ayaa intaasi ku dartay in Filipiin ay haatan diyaar u tahay in saraakiil iyo tababarayaal dhinaca ciidamada Badda oo gacan ka siiya ciidamada dowladda in ay diyaar u yihiin in ay ku caawiso dowladda KMG ee Soomaaliya kuwaasi oo qaarkood loo soo dirayo gudaha dalka Soomaaliya.

Gloria Arroyo Madaxweynaha dalka Filipiin oo kulan kula qaadatay Magaalada Tiripoli ee dalka Liibiya Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay u balan qaaday in tababarayaal dhinaca ciidamada badda ah ay u soo dirayaan Soomaaliya isalamarkaana ay ka gacan siinayaan Ilaalada xeebaha Soomaaliya iyo tababarista ciidamada dowladda.

Dowladda Filipiin ayaa waxaa ay tahay dowladda ugu shaqaalaha badan marka la eego dhinaca badda waxaana la sheegay in boqolkiiba 30 shaqaalaha dhinaca badda ay yihiin badmaaxiyaal u dhashay wadanka Filipiin,waxaana haatan biyaha Soomaliya lagu heystaa Shaqaale badan oo u dhashay wadankaasi kuwaasi oo u afduuban kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxa ay waday qorshayaal ay ku tababarayso ciidamada dhinaca badda kuwaasi oo ay doonayso in ay ka hortagaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee inta badan qafaasha Maraakiibta Caalamiga ee isticmaasha biyaha gacanka Cadan iyo kuwa Soomaaliya.

Taliska Booliska dowladda KMG oo sheegay in aanay Ciidamada dowladda hub ?

Taliska Booliska dowladda KMG oo sheegay in aanay Ciidamada dowladda hub ?

Posted on 28 Aug 2009 at 2:21am

Taliska booliuska dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay kamamnuuceen in Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa kale ee aan darayska wadanin gabi ahaantood ay si sharci daro ah u joogaan wadooyinka Magaalada Muqdisho dhacna ay ka gaystaan deegaanada ay ka joogaan.

Afhayeenka Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaashaanle Sare C/laahi Xasan Bariise oo lahadlay qaar kamid ah warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in xilligan wixii ka danbeeya ay mamnuuc ka tahay Ciidamo si sharci daro ah isaga taagan wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood.

Waxa uu sheegay Bariise in dowladda KMG ay arrintaasi xil iskasaartay islamarkaana aan xiligan wixii ka danbeeya la arki doonin Ciidamo si sharci daro ah dadka ugu gaysanaya gacmo gacmaysi ayna dowladdu u saartay Ciidamo qaas ah.

Sidoo kale Bariise mar wax laga waydiiyay dagaalada marwalba ka dhaca qaybo kamid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Booliska ay mar hore ku soo wargaliyeen madaxda sare ee dowaladda in aysan iyagu weerar qaadin balse aysan gacmaha kalaaban doonin hadii la soo weeraro fariisimaha ay ku leeyihiin Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee hadalka Afhayeenka Taliska booliska Soomaaliyeed gaashaanle sare C/laahi Xasan Bariise ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli mudooyinkii ugu danbeeyay qaybo badan oo kamid ah Magaalada Muqdisho ay ka dheceen dagaalo xiriiri ah kuwaa oo aan ilaa iyo hadda xal toos ah laga gaarin.

Rag ku eedeysan Falalka Burcad Badeednimada ee Soomaaliya oo dowladda Holland ka codsaday!

Rag ku eedeysan Falalka Burcad Badeednimada ee Soomaaliya oo dowladda Holland ka codsaday!

Posted on 13 Aug 2009 at 12:15am

Ilaa 5 qof oo Soomaali ah islamarkaana ku eedeysan Falalka Burcad Badeednimada ee Soomaaliya ayaa dowladda Holland ka codsaday dadajinta Maxkamdeyntooda.

Kadib markii 5 nin oo burcad badeeda Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaala Magaalada Rotterdam ee wadanka Holland ay ka codsadeen qaaliyaasha Maxkamadda gobolkaasi in la dadajiyo Maxkamdeyntooda kadib markii la xiray bishii January ee la soo dhaafay ayaa lagu wadaa maanta in kiiskooda lgu dhageysto halkaasi.

Ninka lagu magacaabo Axmed Yuusuf oo 24 jir ah ayaa waxaa uu ka codsaday Maxkamadda gobolka Rotterdam in ay arinta si deg deg ah u bilaabaan kadib markii mudo sedax bilood ah arintooda dib loo dhigay.

Waxaan leeyahay caruur iyo Xaas dhibaato ayaa Soomaaliya ku heysata mana jirto ii dar yeelaysa,waxaan leeyahay sedax caruur ah mana jirto cid iiga dambaynaysa,waxaan nolol maalmeedkooda u raadi jiray qoyskayga”ayuu ku calaacalay Jaamac Samatar oo 44 jira kana mid ah raga lagu maxkamadaynayo dalka Holland.

Shantaan nine e Soomaalida ah oo da’doodu ay u dhaxeyso 24 ilaa 44 sano ayaa waxaa ay noqonayaa burcad badeedii ugu horaysay oo Soomaali ah islamarkaana maxkamad lagu soo taago dalka Holland.

Raggaani oo watay dooni yar oo aad u dheereeya ayaa bishii January ee la soo dhaafay waxaa gacanka cadmeed ku qabtay Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Wadanka Nederland xili lagu eedeeyay in ay isku diyaarinayeen Afduub ay u geystaan markab Xamuul ah oo halkaasi marayay.

Wadanka Nederland ayaa waxaa uu qeyb ka yahay wadamada reer Yurub e maraakiibtu ay ka joogto xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadan waxaana shantaasi nin ee lagu eedeeyay burcad badeednimada markii la soo qabtay lagu xiray wadanka Nederland.

Dagaalo cusub oo ka bilowday magaalada Kaaraan iyo Yaakhshiid!

Dagaalo cusub oo ka bilowday magaalada Kaaraan iyo Yaakhshiid!

Posted on 02 Jul 2009 at 10:27am

Daqiiqado ka hor abaara 10:40 daqiiqo ayaa dagaalo aad u culus waxaa ay dib uga qarxeen deegaano ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee magaalada Muqdisho kuwaasoo dhexmaraya ciidamada DF Somalia iyo xoogaga islaamiga ah ee ka soo horjeeda oo isku hor fadhiyey deegaanadaasi, iyadoo xaalada labada degmo oo horey looga barakacayna ay si aad ah u cakiran tahay sida wararku ay sheegayaan.

Dagaalkan ka soo cusboonaaday degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa daba socda dagaalo aad u qaraar oo gelinkii dambe ee shalay iyo xiliyadii ka soo horeeyeyba ku dhexmarayey labada dhinac deegaanadaasi, waxaana imimka la maqlayaa dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda ay labada dhinac isku adeegsanayaan, waxaana goobaha lagu dagaalamayo ka mid ah Sanca jiiro wacbuudhan, xaafada Godey mariinada iyo deegaano kale oo aad badan.

Madfac ku dhacay daqiiqado ka hor guri ku yaala xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ayaa waxaa ku dhintay illaa 3 ruux oo isku qoys ahaa sida ay sheegeen dadka fara ku tiriska ah ee deegaanadasi ku dhaqan ka dib markii madfac uu ku habsaday sidoo kale waxaa la sheegayaa in dab iyo uuro fara badan ay ka kacday goob warshad aheyd oo ku taala agagaarka Suuqa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ka dib markii uu ku dhacay madfac aad u weyn lamana oga illaa hadda qasaaraha rasmiga ah ee dagaaladan soconaya ay geysteen marka laga reebo 3-da ruux ee ku naf weysay xaafada Jamhuuriya.

Dagaaladii gelinkii dambe ee shalay ku dhexmaray degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Shibis oo dhamaantood ka tirsan dhinaca woqooyi ee magaalada Muqdisho, ciidamada Dowladda Somalia iyo xoogaga Islaamiga ah ee ka soo horjeeda ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 20 ruux halka 50 kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo dhamantood rayid ahaa lana dhigay isbitaalada magaalada Muqdisho lamana oga qasaaraha ka soo gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.

More Posts

News Archive

September 2010
Mon Tue Wed Thu Fri Sat Sun
« Aug    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930