Aragti.com

Somaliland oo dib u celisay Diyaarad Ogolaasho ka soo Qaadatay Dowladda Somalia oo ku degi lahayd Garoonka Hargeysa
Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa maanta markii ugu horreysay u diiday inay madaarka Hargeysa fadhiisato diyaarad ogolaanshiyo kasoo qaadatay dawladda Soomaaliya, isla markaana sheegtay in aanay hawadeedda u soo mari karin diyaarad aan Somaliland fasax ka haysan.

“Xukuumadda Somaliland waxay hawadeeda ka eridey diyaaradii ugu horeysay ee ogolaanshiiyo ka soo qaadada magaalada Muqdisho ee dalka Somalia ee aynu jaarka nahay, diyaaradan nooceedu ahaa SS34 ayaa isku dayday in subixii hore ee saaka ay ka soo degto garoonka caalamiga ah ee Igal International Airport, balse markii uu tower-ka Somaliland ogaaday in ay hawada Somaliland ay soo gashay diyaarad Permission ka haysato Muqdisho, ayay masuuliyiinta Wasaarada Duulista Hawadu ku amreen in ay ka baxdo hawada Somaliland, Somaliland Air space”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda duulista oo ka hadlayey diyaarad madaarka Hargeysa dib looga celiyey ka dib markii ay ogolaanshiiyo ka soo qaadatay wasaaradda gaadiidka Cirka iyo hawadda ee dawladda Soomaaliya.

“Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in dowladda Somaliland ay awood buuxda u leedahay in ay control adag ku samaysa haweeda, Permission ama ogolaansho laga soo qaatay magaalada Muqdishona aanay diyaarada sidadataa soo geli Karin hawada Somaliland soona fadhiisan Karin garoomada jamhuuriyada Somaliland”ayaa yidhi madaxa baratokoolka ee wasaaradda Duulista Cabdilaahi Caarshe, waxaanu intaas ku daray “Somaliland waxay leedahay xuduudo hawo iyo kuwo dhuleed oo u gaar ah kuna qotonta qaranimada iyo madax bannaanida Somaliland, sidaa darteedna aanay Somaliland cidnaba aanay ka aqbalayn in ay hawadeeda ku soo xadgudbaan diyaarado aan fasax ka haysan dowladda Somaliland.  Waxaanu u sheegaynaa kuwa ku riyoonaya in permission laga bixiyey magaalada Muqdisho lagaga degayo Somaliland, ay tahay riyo been ah ayna ku cimro qaataan tan maanta Somaliland hawadeeda kaga eridey diyaarada Muqdisho ka soo qaadatay ogolaanshiiyaha beenta ah”.

Si kastaba ha ahaatee, Waa markii ugu horeysay ee xukuumadda  Somaliland celiso diyaarad fasax ka haysatay dawladda Soomaaliya tan iyo intii la isku khilaafay maamulka hawadda sare oo Soomaaliya ku wareejiyeen Qaramadda midoobay taas oo aan ilaa hadda la xalin, isla markaana ma jiraan diyaaradihii qaramadda midoobay ee tobaadkasta iman jiray Somaliland.

XIISADA BARIGA DHEXE IYO GO AANKA MASAR
Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi ayaa ku dhawaaqay inuu Dalkiisu Xiriirkii u jaray Dowladda Syria, isagoo xaqiijiyay inuu kusii socon doono taageerada uu siinayo Dadka Syria illaa ay ka helayaan Xuquuqda ka maqan.

Mursi ayaa ugu baaqay Ururka Xizbu allaah ee Lubnaan inuu joojiyo ka qayb galkiisa Dagaalka ka socda gudaha Syria.

Madaxweynaha Masar wuxuu Hadalkan ka sheegay Shir Syria lagu taageerayay oo Qahira ka dhacay. Isagoo halkaasna kaga dhawaaqay inuusan Dalkiisu ogolayn Fara galin Milatari oo arrinta SYRIA lagu xaliyo.

Balse Mursi ayaa ugu yeeray Golaha amniga ee Qaramada Midoobay inuu Xayiraad dhanka Hawada ah saaro Syria. Beesha Caalamkana wuxuu ugu baaqay inaanay ogolaan dib usoo nooleynta Nidaamyada wax caburinaya.

Mr. Mursi ayaa ku booriyay Syria inay Jilibka u aastaan, Siina wadaan Naf-hurnimada iyo inay mideeyaan Safkooda.

Wuxuu kaluu Madaxweynaha Masar daboolka ka qaaday Olole cusub oo Hey’adda Bisha Cas ee Dalkiisa iyo Ururada Rayidka ahi ugu gurmanayaan Dhaawacyada iyo Qaxootiga Syria.

Dhamaan Hadaladan Mursi kasoo baxay waxay barbar socdaan Warar ay Warbaahinta Caalamiga ah Maanta qoreyso oo la xiriira Go’aan cusub oo ay Dowladda Iran ka qaadanayso arrinta Syria iyo Xiisadaha sii kordhaya.

Wargeyska The Independent ayaa Boggiisa hore ee Maanta soo baxay Far waawayn ugu xardhay Cinwaan ka hadlaya Dagaalka Syria. Cinwaankiisan cusubna wuxuu ku sheegay in Iran ay 4000 oo Dagaalyahan u direyso Syria si ay ugu xoojiso Ciidamada Bishar Al-Assad ee Dagaalka ku jira.

Warbixinta uu Wargeyskani qoray wuxuu ku muujiyay sida Dagaalka Syria ka socda uu isugu badalayo Colaad Sunni iyo Shiico u dhexeysa oo Gobalka Bariga dhexe guud ahaan saamayn ku yeelanaysa iminka.

Laakin Wargeyska oo arrintan kasii hadlaya wuxuu xusay in Ilo-wareedyo ku dhaw Hey’adaha amniga ee Iran ay xaqiijiyeen inay Dowladda Tehran qaadatay Go’aanka Dagaalyahanada loogu dirayo Syria Goor kasii horeysay Xilliga la bilaabay Doorashooyinka Madaxtinimada Iran ee iminka soo idlaaday.

Warbixinta Wargeyska oo aad u dheer wuxuu ku falanqeeyay ka qayb galka Mareykanka ee Colaadan cusub, isagoo yidhi Dowladda Washington waa markii ugu horeysay ee ay is arkeyso iyadoo dhexda ka taagan Dagaal Sunniyiin iyo Shiico u dhexeeya oo Bariga Dhexe ka holca.

Tehran waxay ku dadaalaysaa buu Wargeysku yiri inuu Maamulka Assad ee Syria sii jiro xitaa hadii ay taas dalbanayso furitaanka Jabhad Dagaal oo ka dhan ah Israil taas oo laga bilaabayo Buuraleyda Golan ee Syria iyo Dhulka ay Yuhuuddu maamusho u dhexeeya.

Wargeysku wuxuu soo qaatay Dalalka Gobalka ku yaala kuwooda Garabka Mareykanka xiga iyo kuwa kasoo horjeeda marka Xiisadan cusub laga eego, isagoo Wadamada Gacanka Carabta ee Hodanka ah, Masar, Maroco, Jordan iyo Turkiga ku sifeeyay Saaxibada Washington, halka Dalalka Iran, Ciraq, Maamulka Calawiyiintu ay horkacayaan ee Syria iyo Xizbulah ku sheegay Cadawga ka horjeeda Xulufada kor lagusoo xusay.

Waxaan arki doonnaa halka ay ku biya shubato Qalalaasaha iyo Gulufka Colaadeed ee uu Gobalka Bariga Dhexe Maalmahan la ciirciirayo.

Maxaad ka taqaan madaxweynaha cusub ee dalka iiraan
Sheikh Xassan Ruuxaani ayaa ku tilmaamay tallaabada isaga loogu doortay Madaxweynaha Iran, guul dhanka Dhex-dhexaadnimada ah iyo Xikmad ka sara martay Mayal adeyga.

Ruuxaani ayaa Dalalka waa wayn ee Dunida ugu yeeray inay Iran ula tacaamulaan si Ixtiraam leh, iyagoo u aqoonsanaya dhamaan Xuquuqaha ay leedahay.

Bayaan-kiisii ugu horeeyay ee uu soo saaray ka dib markii la xaqiijiyay inuu ku guuleystay Madaxtinimada Dalkaas ayuu Mr.Ruuxaani ku sheegay Doorashada inay tahay mid muujinaysa sida Caalamka loogaga baahanyhaay inuu Shacabka Iran ixtiraamo.

Ruuxaani wuxuu helay 50.68% Codadka Doorashada. Waxaana sida Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalkaas lagasoo xigtay ka qayb galay codeeynta Doorashada oo Jimcihii dhacday 72% Dadka Dalkaas.

Bayaanka oo laga aqriyay Telefishinka iyo Idaacadda Dowladda ayuu Madaxweynaha cusubi ku yidhi “ Guushani waa mid lagu gaaray Caqli, Dhex-dhexaadnimo iyo horumar laga gaaray Mayal adeygga”.

Wuxuu ugu yeeray dhamaan inta ku baaqaysa Dimoqoraadiyad, Is faham iyo Wada Xaajood xor ah inay Shacabka Iran ula hadlaan si Xushmeeyn leh, ayna aqoonsadaan Xuquuqda Jamhuuriyadda Islaamiga ah si ay u helaan Jawaab ku haboon.

Baaqan waxaa lagu sifeeyay mid tilmaamaysa Wada h adal Iran iyo Dalalka waa way nee Dunidu ay ka yeeshaan Barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran.

Ruuxaani iyo Imaamka ugu wayn ee Dalkaas Aayatulaahi Cali Qamani waxaa ka dhexeeya Xiriirka Wanaagsan, waxaana la rumeysanyahay in Imaamku uu yahay Ninka leh Go’aan ka gaarista ugu dambeysa Arrimaha xasaasiga ah ee la xiriira Siyaasadda Dibadda oo ay arrinta Barnaamijka Nukliyeerka ee Dalkaasi ku jirto.

Isagoo Madaxweynaha cusubi ka faaloonayay waxa uu ka aaminsanyahay Imaamkana wuxuu cadeeyay inuu isagu Galad wayn u hayo Sheikh Qumeyni.

“Waxaan isku arkayaa inaan ahay Wiilkiisa yar oo kale” ayuu sii yiri.

Madaxweynaha Somalia oo ka qeyb galay xafladda dhalashada Boqorada UK, khudbadna ka jeediyey shirka hordhaca G-8
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK David Cameron, isla markaana ka qeybgalay xafladda dhalashada Boqortooyada UK, isagoo shalay galabna khudbad ka jeediyey shirka hordhaca G-8 oo looga hadlayey arrimaha canshuuraha, ganacsiga xorta ah iyo maamul wanaaga.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey David Cameron sida uu arrimaha Soomaaliya door hoggaamineed uga qaatay. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, horumarka ballaaran ee dhanka siyaasadda iyo amniga ee dalka Soomaaliya iyo sidi dalka dib loogu dhisi lahaa.

Madaxweynaha ayaa warbixin kooban ka siiyey David Cameron xaaladda dalka, shirkii Yokohama ee dalka Japan, qorsheyaasha dib u heshiisiinta dalka iyo sidii dowladda UK ay door muhiim ah uga qaadan laheyd shirka Brussels ee 16ka September 2013.

Madaxweynaha ayaa maanta ka mid ahaa madaxda caalamka ee ka qeybgalay xafladda Boqortooyada Ingiriiska Queen Elizabeth II oo ah markii ugu horreysey ee Madaxweyne Soomaaliyeed lagu casuumo xafladan muhiimka ah oo muujineysa sida David Cameron uu ugu qanacsanyahay hoggaanka Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo qorsheyaashiisa cad-cad ee Soomaaliya lagu gaarsiin lahaa nabad, bash-bash iyo barwaaqo.

Xafladda Boqortooyada ka dib, Madaxweynaha waxaa qado sharaf u sameeyey David Cameron iyo ku-xigeenkiisa. Ka dibna Madaxweynaha iyo madaxda kale ee caalamka waxey ka qeybgaleen shirka hordhaca G8 oo lagu qabtay xarunta Lancaster House ee London oo Madaxweynaha uu halkaas khudbad taariikhi ah ka jeediyey.

Shirkan ayaa looga hadlayey arrimaha Canshuuraha, Ganacsiga, iyo sidii kheyraadka looga ganacsado sida shidaalka loogu heli lahaa hab fur-furan oo kalsooni siin kara shacabka deegaanada kheyraadka leh, oo uu David Cameron oo ah Guddoomiyaha Sanadkan ee G8 uu aad u daneynayo oo go’aanada ka soo baxa shirkan uu la tagi doono shirka Madaxda G8 oo ka dhici doono Waqooyiga Ireland 17ka iyo 18ka June.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegey in Soomaaliya maanta ay dhidibadda u aaseyso haykalkii dowladda oo ku dhisan maamul wanaag iyo in dhaqaalaha dalka loo sameeyey nidaam keeni kara kalsooni oo uu sheegay in shirkan G8-ka uu muhiim u yahay dalalka Soomaaliya oo kale oo ka soo kabanaya collaado una gudbaya nabad iyo horumar.

Madaxwweynaha khudbadiisa waxuu ku sheegey in Soomaaliya ay diyaarisay shuruucdii lagu maamuli lahaa maalgashiga dalka iyo sidii kheyraadka dalka laga soo saaro loogu maamuli lahaa si fur-furan, isagoo uga mahadceliyey David Cameron sida uu caalamka hormuudka uga yahay arrimaha maamul wanaaga iyo horumarka oo Soomaaliyana ay ka faa’iideysan doonto khibradaha dalka UK.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xasan Suleebaan ayaa lagu wadaa inay 16ka Juun 2013 soo gabogabeyn doonaan safarkooda London.

Beesha caalamka loo gudbiyey liiska qas-wadeyaal carqaladaynaya dowlada Somalia?(Yaa kamid ah Qaswadayaashaasi
lo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyey in dowlada Soomaaliya ay u gudbisay QM, Midowga Yurub iyo Maraykanka liis ay ku qoran yihiin Rag loogu yeeray qaswadayaal carqalad la daba jooga dowlada, waxaana ragga liiskaasi ku jira ka mid ah siyaasiyiin badan oo horey xilal uga soo qabtay dowladahii KMG ahaa ee dalka soo maray.

Liiskaan ragga ku qoran ayaa la sheegayaa in dhowaan dowladaha Yurub iyo Markeykanka qorsheynayaan iney saaraan xayiraado ay ka mid yihiin dhinaca, dhaqaalaha, safarka iyo qaar kale haddii ay ka waantoobi waayaan eedeeymaha loo jeedinayo.

Qoraalkan ayey dowladu ku sheegtay hadddii qaswadayaasha sidaan ku sii wadaan duminta dowlada ay dalka mar labaad dib ula wareegi doonaan Al-shabaab oo ay ku sheegeen in ay soo xoogeysteen Bilihii u dambeeyey ayna qaswadayaasha bilaabeen in ay majaxabiyaan dowlada uu madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh Max’uud.

Raggaan oo qaar ka mid ah magacyadood la helay ayaa haddii lagu soo roggo cunaqabteen dhanka safarka iyo dhaqaalaha dowlada ay gaari doonto horumar aysan hadda gaarin, waxaana ka mid ah C/raxmaan Faroole, Prof. Gaandhi, Shariif Xasan, Ahmed Madoobe, Axmed Cabdisalaan, Cumar Cabdirashiid iyo qaar kale oo aan wali la helin magacyadooda laakiin liiska ku jira.

Beesha caalamka ayaa mudooyinkan u soo jeesatay xasilinta Soomaaliya sida ku cad taageerada iyo hanjaabada ka soo yeereysa ee ay u jeedinayaan kooxaha dowlad diidka ah, iyadoo haddii ay hirgalaan qorshahan dowlada wadato ee cunaqabateynta loogu soo rogayo kooxaha loogu yeeray dowlad diidka asy dowlada Soomaaliya ka nasan doontaa dhibkooda.

Ciidamada Kenya oo askar ka tirsan ciidamada dowladda ku laayay deegaanka Hoosingoow
Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee ku sugan gobolka J/hoose islamarkaana qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen deegaanka Hoosingoow ee gobolka J/hoose, kadib iska horimaad dhexmaray labada dhinac.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan deegaano ku dhow Hoosingoow, iska-horimaadkan ayaa yimid kadib markii ciidamada Kenya ay is-hortaag ku sameeyeen askar ka tirsan ciidamada dowladda oo doonayay in ay isaga tagaan deegaanka Hoosingoow, waxayna arintaasi keentay in labada dhinac uu dhexmaro iska-horimaad xooggan.

Warar xog ogaal ah oo aynu ka heleyno deegaanka Hoosingoow ayaa sheegaya in labada dhinac ay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana iska horimaadkaasi ku nafwaayay askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Afar askari ayaa iska horimaadkaasi ku dhimatay sida uu HOL u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan gobolka J/hoose.

Isgaarsiintii deegaanka Hoosingoow ayaa hawada laga saaray, Ilaa imikana ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac mana jiraan masuuliyiin ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo faahfaahin ka bixiyay arintaasi.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeeysa xilli dhawaan qeybo ka tirsan gobolka J/hoose ay soo gaareen ciidamo ka socda dowladda Siera Leone kuwaasoo qeyb ka noqon doona howlgalka ciidamada Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya

Itoobiya oo ka baxday heshiiskii wabiga Nile ee Masar
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ka baxday heshiis la saxiixay waqtigii gumaysiga oo xaqa ugu badan ee adeegsiga biyaha webiga Niilka siinayo Sudan iyo Masar.

Dowladda Itoobiya waxay ku doodaysaa in heshiiskan, oo la siixay 1929-kii, uu waqtigiisu dhammaaday.

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay si weyn uga soo horjeedda tallabadan ay qaadday Itoobiya.

Madaxweynaha Masar, Maxamad Mursi, ayaa horey u sheegay in dalkiisu ay u furan tahay waddo walbo oo lagu joojin karo dhismaha biyaxireenka ee Itoobiya ay ka dhisayso webiga Niilka.

Dadka reer Masar ee gaaraya 84-ta Milyan waxay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin webiga Niilka.

Dowladaha ku yaalla Bariga Afrika ee uu soo maro webiga Niilka ayaa dhowr jeer oo hore isku dayay in dib looga hadlo qodobada heshiiska la saxiixay xilligii gumaysiga oo Sudan iyo Masar oo keliya u oggolaanayo inay dhisan karaan biyoxireenno.

Qarax Khasaara geystay oo lala eegtay masuuliyiin ka tirsan dowladda somaliya
Wararka naga soo gaaraya Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Qarax qasaara geystay lala eegtay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmadda Wanlaweyn xilli ay halkaasi socdaal ku maraayen.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu ahaa Miino nooca ramuudka lagu hago oo dhulka lagu aasay.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay Khasaara ba’an iyadoona ay wararku sheegayaan in Mas’uuliyiintaasi uu qaraxa saameeyay.

Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Wanlweyn Nuur Axmed, ayaa waxa uu sheegay in Qaraxa uu ahaa mid Khasaara geystay, waxa uuna guddoomiyuhu ka gaabsaday inuu Faahfaahin ka bixiyo Khasaaraha Qaraxaasi ka dhashay.

Waxa uu Tilmaamay Guddoomiyaha in Qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso,khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi oo faah-faahsana ayuu sheegay inay dib ka soo sheegi doonaan

Soomaliland oo Diiday Xafiiska UNISOM
Maamulka soomaliland ayaa sheegay in xafiiska siyaasada ee UNSOM uusan ka howl gali Karin deeganada maamulkaasi,

madaxda maamulkaasi ayaa iyagu sheegay in ay u arkaan xafiiskaasi in uu yahay mid ujeedadiisu tahay taageerista dowladda Somaliya, iyaguna ay yihiin “Dal” ka madax bannaan Somalia.

Go,aankaan ayaana ahaa mid uu maamulkaasi kaga dhawaaqay kadib markii ay kullan wada qaaten Nicholas Kay iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

‘’Waxaanu u aragnaa xafiiskaasi in ujeedadiisa ugu wayni ay tahay mid balaarinaysa mashruuca dowlada Fadaralka soomaliya ee jira haday tahay xaga siyaasada iyo waliba dhinaca kale in uuyahay mid kusalaysan sidii loodhisi lahaa ‘’Sidasi waxa yiri  Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed C/laah Cumar.

Maxamed C/laah wuxuu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in UN-ka kala shaqeyso mashaariicda bini’aadanimo iyo dhinaca horumarinta, waxayna ka codsadeen UN-ka inuu kordhiyo mashaariicdaasi.

”Waaanu anagu jeclaysan in jimciyada quruumaha kadhaxaysa aanu kala shaqayno wax alaale iyo wixii horumar ah waxaanu sidookale dalbanay in mucaawinada la kordhiyo iyo in mucaawinadaasu kusalaysnaato qorshaha horumarka ee soomaliland”Sidasi waxa yiri  Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed C/laah Cumar.

Maamulka soomaliland ayaa ah mid u arka soomaliya in ay jaar yihiin maadama ay ku dhawaaqen in ay ka go,een soomaliya inteeda kale balse majirto wax aqoonsi ah oo ay ilaa iyo hada ay kaheleen caalamka intiisa kale iyo waliba soomaliya .

Nin Soomaali ah oo Soomaali kale ku dillay dalka Mareykanka ” Warbixin
t. Louis : AR :  — Wararka ka ka soo baxaya magaalada St. Louis ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in dhalinashadiisu tahay Soomaali ku dillay ilaa sadax ruux kale oo sida la sheegay ka u dhashay dalka Soomaaliya kadibna uu isaga is toogtay.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen rasaas culus oo ka dhacaysa gudaha xarun ganacsiga xanaanada caafimaadka, iyaga oo intaa ku darray in ay arkayeen qofka toogashada geysay iyo dadka uu toogtay oo murmaya.

Inkastoo aan si rasmi ah wali loo shaacin magacyada dadka ku dhintay falkaan, ayaa hadana dadka halkaas ku dhintay dhamaantood da’dooda waxaa lagu sheegay ineey u dhaxeeyso 40-50 sano jir.

Goobta ay toogashada ka dhacday waxaa markiiba gaaray ciidamada booliiska oo  xayiraad ku soo rogay xarunta ganacsiga xanaanada caafimaadka oo ah halka ay toogashada ka dhacdayaaa.

Nin Taxi ku shaqeysta oo lagu magacaabo C/salaan Cilmi C/salaan oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in uu jooga meel aan ka fogeyn halka ay toogashadu ka dhacday, waxaana uu sheegay inuu arkayay ninkaan oo rasaasta ku furaya dadka kadibna isaga is toogtay.

Dhacdadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo qof Soomaali ah uu ku toogto gudaha Mareykanka dad kale oo Soomaali ah kadibna uu isaga is dilo.