Inkasta oo dhawaan lagu dhawaaqay xukumadii ugu tirada yareyd ee loo dhiso bulshada Soomaaliyeed madaxda qarankana ay ku mashquulsan yahiin qaabkii ay xukumada cusub u shaqeyn laheyd, hadane waxaa jiro arimo kale oo ka socda kooxda Shabaab dhexdeeda marka la eego sida ay ugu kala jaban yahiin siyaasada Soomaaliya iyo in la sii wado dagaalada lagu cirib tirayo shacabka Soomaaliyeed iyo in la joojiyo oo heshiis la qaato.
Hadaba warar sugan oo naga soo gaaraya gobolada dalka qaarkood ayaa sheegaya in kooxda Shabaab si weyn u kala jabeen inta badan hogaamiyaal laga xusi karo Abuu Mansuur Rooboow Ali, Yusuf Ali Ugaas, Shiikh Yusuf Kaba-kutukade iyo horjooge ku sugan gobolka Gedo ayaa lagu soo waramayaa iney colaada ku bedelayaan nabad.
Sidoo kale rag ay ka mid yahiin afhayeenka Shabaab Ali Dheere iyo koox u badan ajaaniibna waxay doonayaan in la sii wado dagaalka inta laga cirib tirayo shacabka Soomaaliyeed lana baabinayo magaca Soomaaliyeed.
Qilaafkaan iyo fikir kala duwanaantaan iyo in qaar saraakiisha Shabaab ka mid ah ay doonayaan iney heshiis la galaan dowlada wali lama gaarsiin madaxda qaranka waxaa kaliya ka war haya baa la leeyahay qaar saraakiisha ciidanka xooga dalka ka mid ah.
Maxaa dhici kara hadii hogaamiyaashaan gobolada aanu kor ku soo xusnay ay heshiis qaataan?
Jawaabta wey iska cadahay waxaa kooxda Shabaab ku soo haraya shaqsiyaad uu ka mid yahay Ali Dheere oo aan garaneyn meel ay aadaan iyo ajaaniib wadamada ay u dhasheen danbiyo waaweyn ka soo galay,maadaama Afhayeenka Shabaab isagu xiligii ay dagaalada socdeen aysan jirin wax uu la haray ilaa uu waalidiin Soomaaliyeed oo caruurtooda lagu qarxiyey meelo badan oo dalka ka mid ah ku tilmaamay gaalo.
Waxey u badan tahay baa la leeyahay in Afhayeenka Shabaan Ali dheere iyadoon cidna dilin inuu galigiis is qarxin doono maadaama uusan ku dhuumaaleysan karin degaanada aanu kor ku soo sheegnay hadii hogaamiyaashaas ay colaada nabad ku bedeshaan
Read also- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.