Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa maanta waxaa ka jira isbedalo aan caadi ahayn, iyadoona magaalada oo dhan lagu arkaayo ciidamo aad iyo aad u badan oo halkaasi habeenkii xalay la keenay.
Ciidamadaan ayaa Teendhooyin loogu sameeyay jid walba oo ku yaala magaalada Kismaayo, waxaana ay yihiin ciidamo milatari ah, iyadoona ciidankaan uu sugaayo amaanka magaaladaasi.
Dhanka kale garoonka magaalada Kismaayo ayaa maanta si aan caadi ahayn uga degaaya diyaarado badan oo sida wafuud kala duwan oo IGAD ka socda, waxaana dhawaan la filaayaa in magaaladaasi lagu qabto shirweyne aad u balaaran.
Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa isha ku haysa waxa ka soconaaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose, halkaasi oo ay u aragto inuu ka socdo waxaanay iyaga raali ka ahayn.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.
Read also- Somaliland oo dib u celisay Diyaarad Ogolaasho ka soo Qaadatay Dowladda Somalia oo ku degi lahayd Garoonka Hargeysa
- XIISADA BARIGA DHEXE IYO GO AANKA MASAR
- Maxaad ka taqaan madaxweynaha cusub ee dalka iiraan
- Beesha caalamka loo gudbiyey liiska qas-wadeyaal carqaladaynaya dowlada Somalia?(Yaa kamid ah Qaswadayaashaasi
- Ciidamada Kenya oo askar ka tirsan ciidamada dowladda ku laayay deegaanka Hoosingoow