Itoobiya Oo Ka Hadashay Maamul U Sameynta Gobollada Jubbooyinka

Photos were posted on 14 Nov 2012 at 10:35pm

Iyadoo aad moodo wali uu muran xoog leh ka jir arinta ku saabsan maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, ayaa waxaa arintaa markii ugu horeysay soo hadal qaaday danjiraha dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya.

C/siis Axmed ayaa sheegay maamul u sameynt gobollada Jubbooyinka ay u madaxbanaan tahay oo kaliya dowladda, waxaana uu sheegay in dowladdaha kale ee  ku jira urur gobolleedka IGAD aysan wax shaqo ah ku laheyn.

‘’Soomaaliya iyo Itoobiya urur gobolleedka IGAD qeyb ka yihiin, laakiin dowladdaha kale ee IGAD wax shaqo ah ku laheyn maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka,’’ ayuu yiri,’’C/siis Axmed.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa jira muran xoog leh oo ka taagnaa maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, kadib markii dhawaan laga soo celiyay magaalada Kismaayo guddi ay dowladda Soomaaliya u dirtay halkaa.

Sidoo kale waxaa dhawaan gaaray magaalada Kismaayo siweynna loogu soo dhaweeyay guddi isugu jiray siyaasiyiin u dhalatay deegaannka iyo urur gobolleedka IGAD oo ku howlan maamul u sameynta Jubbooyinka.

Viewing photos

(read users comments or add a reply)

View full image

Comments are closed.