Madaxweynaha cusub ee Galmudug oo golahiisa Wasiirada Magacaabaya – Yaa ka mida ?0 comments

By admin
Posted on 14 Nov 2012 at 10:47pm

Ila wareedyo muhiima ayaa Galmudugnews u sheegay in Madaxweynaha cusub ee Galmudug State Dr Mohamud Abdi Tima kalajeex golahiisa Wasiiradda magacaabayo maalinta berri oo ah (Arbaco) saacadu markey tahay 10–ka subaxnimo.

Liiska Golaha Wasiiradda cusub ee Galmudug ayaa la xaqiijiyay inay ka mid yihiin dad caana oo miisaan culus leh.waxaana ka mida ,Cabdi Salaad Yaroow,Ayaan Saciid Cilmi,Cadde Cali Gurey,Mahad Mohamed Farah.

Tima kalajeex ayaa siyaasadda Galmudug wuxuu uga adkaaday Cabdi Qaybdiid kadib markii uu wax walba wado sharciya u maray.
Waxyaabaha Qaybdiid fashiliyay waxaa ugu weyn isagoo Gole Wasiiro magacaabay isagoon xilkii Madaxweynenimada u gelin tartan xora,sidoo kalena kala wareegin Madaxweynahii xilka hayay ee Mohamed Ahmed Caalin.
Tima kalajeex ayaa markii la doortay wuxuu si degan u raadiyay Madaxweynahii magacaabay gudiggii doorashada ,wuxuuna sedex bil kadib ku guuleeystay inuu hab maamuus heer Qaran kula wareego xilka Madaxweynenimada.
Cabdi Qaybdiid oo si seefla boodnimo ah u magacaabay gole wasiiro ayaa markii dambe lacag dhan laba boqol ,oo kun oo dollar ku raadshay inuu Caalin siiyo si xilka uu ugu wareejiyo balse Korneyl Mohamed Ahmed Caalin ayaa laalay inuu qadiyadiisa Dastuuriga ku bedesho lacag laaluusha.
Beesha Caalamka ayaa hore u shaacisay inay taageereyso oo kaliya qofka uu Madaxweyne Caalin ku wareejiyo xilka.
Madaxweynaha cusub ee Galmudug State Dr Mohamud wuxuu beesha Caalamka la leeyahay xiriir qoto dheer isagoo ula macaamilo hab sharciyeedka Caalamka (International Standard) halka Qaybdiid uu ku fashilmay hab dhaqankiisa Mooryameynta ama Jabhadnimada.
Nin ka mida ragga Galmudug la soo shaqeeyay oo lagu magacaabo Mohamed Cali Nur ayaa la sheegay inuu Cabdi Qaybdiid lacag ka qaatay si uu beesha Caalamka ula macaamilo laakiin taasi waxay noqotay mid uu weji gabax kala kulmo.
Galmudugnews.com waxay bilaabeeysaa Qormo joogta noqon doonto looguna magacdaray “ Aqoonyahankii adeegaha u noqday dagaal ooge” .
Qormadaan waxaan ku soo bandhigi doonaa Shirkii ugu dambeeyay ee Mohamed Cali Nuur ugu waramay qaar ka mida Jaaliyadda Galmudug guriga Shukri Jamac Nur Saalax ee Magaaladda London.
Cod si sira looga duubay hadalkiisa oo dhameeystiran.
Codad si sira looga duubay tan iyo markii uu Siyaasadda Galmudug ku biiray.
Arrimahaan oo dhan waxaan uga dan leenahay in qof walba Garwaaqsado xaqiiqada .

Read also
Advertisement

Comments are closed.