Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare cabdi faarax Sheyrdoon (Saacid) ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah ay safar ugu anbabaxaan wadamada Deriska ah sida aan kuhelnay warar hoose oo dhanka madaxtooyada ah.
Xassan Sheekh Maxamuud ayaa lafilayaa in uu safarkiisa ku tago dalka Kenya oo ay ciidamo badan kuna howl gala magaca AMISOM ay Soomaaliya kajoogaan, iyada oo lafilayo in uu kulamo layeesho madaxweynaha dalkaasi.
Kulankaasi ayaa sidoo kale waxaa lafilayaa in leeskula lafa guro arinta Kismaayo oo waayahaan noqotay mid si aad ah indhaha loogu hayo, inkasta oo madaxweynaha Soomaaliya uu isagu go’aan ku gaaray in Soomaaliya meel kasta oo kamid ah maamul usameynteeda ay Soomaalidu leedahaay Kismaayana ay dhulka Soomaalida qeyb katahay
Safarka R/wasaaraha ayaa, dhanka kale, lafilayaa in uu ku wajahanyahay dalka Ethiopia oo isna ciidamo ay Soomaaliya kajoogaan, waxaana wararku sheegayaan in Saacid uu kula kulmi doono digiisa Ethiopia xarunta dakkaasi ee Adis Ababa.
Kulankaasi oo noqonaya kii ugu horeeyay ee labadooda ay yeeshaan ayaa lafilayaa in diirada lagu saaro sidii loo sii anba qadi lahaa xariirka labada dal.
Read also- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.