Guddoomiyaha maamulka gobollka C/fitaax Xassan Afrax oo wehliyaan xubno ka tirsan ku-xigeenadiisa iyo saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM ee ka howlgala gobollka Hiiraan ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne.
Wafdiga oo ka soo duulay magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyay ay u joogeen howlo shaqo, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobollka, saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ee horay u sii joogay magaalada.
C/fitaax Xassan Afrax oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay maalmihii ugu danbeeyayba howlo shaqo ay ugu maqnaayeen magaalada Muqdisho oo ay fadhiyaan mas’uuliyiinta sare ee dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay maamulkiisa uu madaxda ka yahay wixii hadda ka danbeeya dardar galin doono inta ka harsan howlgalada ka dhan-ka ah Al-shabaab ee gobollka Hiiraan.
‘’Talaabada ugu horeysa oo aan qaadeyno waa in horay loo sii dhaqaajiyo howlgalka ka dhan-ka ah Al-shabaab ilaa gobollka oo dhan lagu soo celiyo gacanta maamulka dowladda Soomaaliya, waxaana maalmaha nagu soo foolka leh garoonka diyaaradaha Baladweyne ka dagi doona ciidamo ka tirsan midowgga Africa ee howlgalka AMISOM,’’ ayuu yiri,’’ guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha iyo wafdigii la socday ayaa intaa kadib ku wareegay magaalada iyaga oo lugeynaya, taasoo ay ku tilmaameen astaan muujineysa nabad-galyada buuxda ee ka jirta waqtigan magaalada Baladweyne.
Mudadii ay socodka ku jireen mas’uuliyiinta maamulka iyo saraakiisha AMISOM waxaa soo dhaweynayay dadweynaha xaafaddaha ay socodka ku marayeen, inkastoo aysan meel fagaaro ah kala hadal dadka.
Magaalada Baladweyne waxaa waqtigan gacanta ku haya ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay kaabayaan ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka socda dowladda Jabuuti iyo kuwa Itoobiyaan ah.
- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.