Madaxweynaha Kenya oo hanbalyo u dirray dowladda cusub ee Somaliya…0 comments

By admin
Posted on 17 Nov 2012 at 10:58pm
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa dhamaan hanbalyo u dirray madaxda sare ee dowladda Soomaaliya sida madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamanka, kadib munaasabadii dhaarinta xubnaha gollaha wasiirrada cusub.

Madaxweyne Kibaki wuxuu dhambaalkiisa hambalyada ah ku sheegay inay dadka Soomaaliyeed gaareen guul taariikhi ah, isagoo sheegay inay ansixinta xukuumadda fursad u tahay dowladda Kenya sidii ay u billaabi lahayd xiriir iyo iskaashi labo-geesood ah oo dhex mara labada dal.

Baarlaamanka Soomaaliya ayaa talaabadii aynu soo dhaafnay waxaa uu cod aqbaliyad ah ku ansixiyay xukuumada cusub, iyadoo sidoo kalana xildhibaannada hortooda lagu dhaariyay Khamiistii ina dhaafntay xubnaha gollaha wasiirrada.

Wuxuu intaas sii raaciyay Mwai Kibaki in ay tallaabada ansixinta xukuumadda cusub sii xoojin doonto xiriirka labad dal gaar ahaan dib u dhiska nabadda iyo xoojinta ammaanka.

Read also
Advertisement

Comments are closed.