Soomaali badan oo u Xiran Maxaad u qaadan weyseen e-Passport oo Been abuur ah ay sameeyaan Rag Tuugo ah0 comments

By admin
Posted on 17 Nov 2012 at 11:04pm

Magaalada Johanesburg ee Dalka K/Afrika gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Or -Tambo International waxaa ku xiran Soomaali badan oo doonayay in ay dalka dib ugu soo laabtaan kadib markii ay kasoo rajo dhigeen kunoolaanshiyaha Dalka K/Afrika

Soomaalida dooneysa in ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya ayaa markan waxaa laasoo daristay caqabado xoogan oo keenay in qaarkood xabsiga u galaan halka kuwa kalana uu dib u dhac ku yimid kadib markii ay arintaasi ka shaqeeyeen kooxo Muqalasiin ah.

Soomaalida kasoo laabaneysa Dalka K/Afrika ayaa markii ay soo baxayaan waxa ay kusoo baxaan badankood Warqad GO-HOME la yiraahdo iyo sidoo kale Paasaboorkii hore ee Soomaaliya sidaana ay kusoo bixi jireen.

Arinta cusub ee timid ayaa hada ah in la diido Paasaboorkii hore ee Soomaaliga taa badalkeedna dadka doonaya in ay Soomaaliga ku laabtaan lagu qasbay in ay soo qaataan Paasaboorka Cusub ee Somalia ee e-passport oo la sheegay in kooxo Burcad iyo Muqalasiin ay kusameeyaan gudaha Magaalada Johanesburg.

Kooxahan ayaan dacwad ka geeyay dadka Isticmaala Paasaboorkii hore iyagoona u sheegay Waaxda Socdaalka S/Afrika in Soomaaliya uu leeyahay Paasaboor cusub sidaa darted dadka looga baahanyahay in Paasaboorkaasi qaataan iyagoona Kooxahan ay doonayaan in ay socodsiiyaan Paasaboorka been abuuradka ah ay sameeyaan Rag Nagerian ah oo kunool Johanesburg kuna can baxay sameynta waxyaabaha Cabdulle shideeyaha sida Baasaboorada.

Waxaa hada Magaalada Johanesburg ku xiran ku dhawaad 30-Qof oo Soomaali ah halka tiro kalana lagu guuleestay in xabsiga laga sii daayo kadib markii ay arintaasi dadaal dheer u galeen eheladooda.

Waxaana arintan aad uga xumaaday Soomaali badan oo kunool Dalka K/Afrika kuwaa oo sheegay in kooxahan Paasaboorka sameeyay ay doonayaan in ay ceebeeyaan Sharafta Paasaborka Cusub ee Somalia iyagoona ugu baaqay in Dowlada Somalia soo faragaliso si deg deg ahna loo hool galiyo Safaarada Soomaaliya ee Dalkan K/Afrika oon wali la furin.

Read also
Advertisement

Comments are closed.