AMISOM oo Tababar ciidan ugu soo xirtay Baladweyne Saraakiil iyo Ciidammo ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan

Photos were posted on 19 Nov 2012 at 3:47pm

Tababar soconayay mudo labo todobaad ah ayaa maanta loogu soo xiray magaalada Baladweyne saraakiil iyo ciidamo ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan.

Tababarka oo ay bixinayeen saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa lagu barayay saraakiisha iyo ciidamada loo soo xiray hanaanka wanaagsan ee hogaaminta ciidamada, anshaxa iyo waliba xirfadda wadista gawaarida gaashaaman iyo kuwa xamuulka militariga isticmaalaan.

Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee tababarka bixinayay, iyo waliba kuwa dowladda Itoobiya.

Saraakiishii hadashay waxaa ay sheegeen in tabaarada noocan oo kale ah yihiin kuwo mar walba sare u qaadaya aqoonta ciidamada iyo saraakiisha ee la xiriirta sugidda amniga iyo ka hor tagga falalka nabad-galyada ka dhan-ka ah, iyaga oo intaa ku daray in ay joogteyn doonaan tababarrada.

Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa dhinacooda uga mahad celiyay saraakiisha Jabuuti gaar ahaan macalimiinta casharrada bixineysay sida ay isugu howleen dhismaha iyo tayeeynta ciidamada, iyaga oo dhinaca kalana ku dardaarmay ciidamada in ay howshooda ku dabaqaan waxyaabihii ay barteen.

Saraakiisha AMISOM ayaa marar badan oo hore kulamo ay la qaateen mas’uuliyiinta gobollka iyo odayaasha dhaqanka waxaa ay ku sheegeen in ay xoogga saari doonaan sidii loo dhisi lahaa ciidamada maamulka gobollka Hiiraan.

Viewing photos

(read users comments or add a reply)

View full image

Comments are closed.