Beesha Wacbuudhan oo gogol udhigtay Mudullood..0 comments

By admin
Posted on 19 Nov 2012 at 3:54pm

Beesha Wacbuudhan Abgaal ayaa maanta gogol raalli gelin ah u dhigtay beelaha Mudullood ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, gogoshaan oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanada, Duubabka dhaqanka, Boqorada, Ugaasyada, Malaaqyada, Suldaanada, Culumaa’udiinka, Haweenka iyo aqoonyahanka, taas oo ka dhacday Hotel Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho.
Gogoshaan oo ahayd gogol qado ah oo lagu casuumay dhammaan beelaha Soomaaliyeed madax dhaqameedyadooda ayaa waxay ka dambeysay kaddib markii 15-kii bishan shaqsiyaad ka mid ah jufo ka mid ah beelaha Wacbuudhan ay sheegteen inay duubteen Ugaas cusub oo aysan ka war qabin beesha Wacbuudhan Abgaal iyo beelaha kale ee Mudullood.
Beesha Wacbuudhan Abgaal oo gogoshaan soo abaabulay ayaa ugu horeyn waxay ka mahad celiyeen sida sharafta badan ee ay u ayideen ugana soo qeyb galeen beelaha, iyadoo ay halkaasi hadalo ka jeediyeen qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dhaqanka beelaha Wacbuudhan, waxaana wacdi diini ah ku furay Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) oo ka mid ah mashaa’iqda caanka ah, isagoo halkaasi ka soo jeediyay wacdi diini ah iyo axaadiith fara badan oo laga weriyay Nabi Muxamed CSW kuna saabsanaa dhibaatada uu leeyahay khilaafka soo kala dhex gala beelaha walaalaha ah.
Sheekh Cali Dheere wuxuu ka hadlay isku duubnimada laga doonayo dadka Muslimiinta ah iyo sida loogu baahan yahay inay ka fogaadaan wixii khilaaf dhalin kara, isagoo hoosta ka xariiqay in khilaafyada noocaan oo kale ah laga dhaxli karo dhibaatooyin ka dhex dhasha bulsho walaalo ah.
Waxaa kale oo munaasabadda ka hadlay Nabadoono ay ka mid ahaayeen Nabadoon Shariif Xuseen Jilacow, Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax, Nabadoon Cumar Ibraahim Cosobow, Nabadoon Jiinow Maxaa Ibraahim, Maxamed Cumar Waayeel, Xuseen Suudi Calasow, Nabadoon Shire Xaaji Dalfac iyo qaar kale.
Dhammaantood waxay ka tacsiyeeyeen wixii dhacay 15-kii bishan oo ay sheegeen inay ahaayeen wax hareer marsan dhaqanka iyo caadada soo jireenka ah ee dhaqanka Soomaaliyeed, waxayna xuseen in beesha Wacbuudhan Abgaal ee warkaas ka soo yeeray shaqsiyaad inay daba socdaan oo ay galliin ka yihiin kana tacsiyeeyeen, iyagoo sheegay in duubabka dhaqanka ay yihiin kuwo dhaxal ah, balse aan la iska magacaabi karin, isla markaana duubabka ay iska dhaxlaan wiil iyo awowgiis, oo ah jar ka boodey, laakiin aysan iska dhaxlin wiil iyo aabihii
Ugu dambeyntii waxaa hadlay Imaamka beelaha Hiraab Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay wixii dhacay, wuxuuna sheegay inay arrintaasi ahayd ul gacan ka dhacday oo kale isla markaana aan wax u dhimeynin howlaha ugaaska, isagoo xusay inuu yahay duubkii 14-aad oo dhaxaltooyo ah.
Gogoshaasi ayaa waxaa ugu dambeyntii ka duceeyay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, wuxuuna u rajeeyay in towfiiqda iyo talada Alle u toosiyo, wuxuuna xusay in howlihiisa sii laba laabi doono inta ay ku jirto nafta baaqiga ah, iyadoo halkaasi guuroow iyo maanso ku soo bandhigeen abwaano caan ka ah dalka sida Abwaan C/lle Gedanaar, Xuseen Calasow, Abwaan Carabow iyo kuwo kale, iyagoo gabayadooda ay ka tarjumayeen dhaqanka Soomaaliyeed iyo taariikhda faca weyn ee uu leeyahay.

Read also
Advertisement

Comments are closed.