Madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud oo amaanay howlgalka ciidamada Jabuuti ee gobollka Hiiraan

Photos were posted on 28 Nov 2012 at 12:48am

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo shalay kulan kula yeeshay dalka Jabuuti madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle ayaa ku amaanay dowladda Jabuuti dadaallkii dheeraa oo ay u soo gashay sidii nabad looga dhalin lahaa dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xassan Shiikh oo kulan la yeeshay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle ayaa warbixin guud ka siiyay howlgalka ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay ciidamada Jabuuti ay qaadanayaan kaalin ka badan nabad ilaalinta.

Waxaa uu sheegay madaxweynaha in ciidamada dalka Jabuuti ee ku sugan magaalada Baladweyne ay halkaa ka hayaan howlo ay ku caawinayaan shacabka ama bulshada ku nool magaalada, taasoo muujineysa walaalnimada ka dhaxeeysa labada shacab ama bulsho.

‘’Marka kasta xiriir ayaa la sameeyaan Baladweyne, odayaasha iyo waxgaradka halkaa ku sugan waxaa ay ii sheegeen in ciidamada Jabuuti siweyn ugu howlan yihiin ka qeyb-qaadashada arrimaha bulshada, haddii ay ahaan lahaayeen dib u hishiisiinta, nabadeynta beelaha, arrimaha gargaarka, iyo waliba dib u dhiska adeegii bulsho ayuu yiri,’’ madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud.

Sidoo kale madaxweyuhu waxaa uu sheegay in ciidamada dalka Jabuuti ee jooga magaalada Baladweyne ku howlan yihiin sidii ay dadka deegaannkaas ugu diyaarin lahaayeen dhismaha maamul ay iyaga soo doortaan, maadaama hadda la doonayo ayuu yiri in maamulada gobollada laga soo dhiso gunta hoose.

Waa markii ugu horeysay oo labada madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud iyo Ismaaciil Cumar Geelle si toos ah uga wada hadllaan howlgalka ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa lagu wadaa in uu safarkiisa Jabuuti uga sii gudbo dalka Itoobiya, oo iyaguna ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya.

Viewing photos

(read users comments or add a reply)

View full image

Comments are closed.