Wafdi ka Socda Dalka Jabuuti oo Gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan
Axad, December, 02, 2012 (HOL) –Wafdi uu horkacayo wasiirka gaashaandhigga dowladda Jabuuti, Mudane C/kariin Max’ed Kaamil ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wasiirka ayaa safarkiisa waxa ku wehlinayay taliyaha nabad sugidda dalka Jabuuti, Mudane Xasan Siciid, abaanduulaha ciidamada dalkaasi, Mudane Sakariye Sheekh Ibraahim iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Jabuuti.
Masuuliyiinta ayaa markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay, masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Beledweyne, odoyaal iyo waxgarad kale oo ku dhaqan magaalada Beledweyne.
Wafdigani ka socda dalka jabuuti ayaa loo gelbiyay saldhigga ay ciidamada Jabuuti ku leeyihiin duleedka magaalada Beledweyne.
Ilaa imika ma cadda ujeedada booqashada wafdigani, waxaana imika soconaya kulamo ay masuuliyiintani la yeelanayaa maamulka gobolka hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne.
Haduu Alle qadaro wararkeena danbe ayaad uga bogan doontaan faahfaahinta booqashada wafdiga ka socda dalka jabuuti ee yimid magaalada Beledweyne.
- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.