Wax ku cusub dadka reer Baladweyne ayeey aheyd in ay si caad ah ganacsigooda iyo howl maalmeedkooda isaga wataan xili uu magaalada Baladweyne ku dhax lugeynayo mas’uul sare oo soo booqday, madaama ay dadka u barteen in marka ay booqasho noocaas ah jirto ciidamada jidadka xiraan islamarkaana joojiyaan dhaq dhaqaaqa dadka iyo gadiidka.Laakiin waxaad moodaa in arinta sidaa ka duwaneyd maalintii shalay oo wasiirrka gaashaandhiga iyo wafdigii la socday waxaa ay magaalada dhaxmareen soona eegeen iyadoo uu ganacsigu socdo dadkuna ku mashquulsan yahay howl-maalmeedkooda caadiga ah.
Xitaa waxaa la arkayay wasiirrka gaashaandhiga oo dadka u gacan haantinaya micnaha ‘’kor ka salaamaya’’ isaga oo leh dhib ma jiro nabad-galyo ayaa jirta, taasoo siweyn u farxad galisay dadka ku dhaqan Baladweyne.
Bulshada magaalada oo qaar ka mid ah aan arintan kala hadallnay waxaa ay inoo sheegeen in aad ugu faraxsan yihiin imaashayaha wafdiga Jabuuti, iyaga oo intaa ku darray in wax lala yaabo aheyd in ay ku dhiiran waayeen wasiirradii ka socday xukuumada Soomaaliya iyaga oo xitaa gadiidkooda saaran in ay gudaha magaalada u soo galaan, madaama ay ka laabteen xerada AMISOM ee duleedka Baladweyne.
Waxaaa ay dadku ku tilmaameen sidii ay shalay u dhaqmeen ciidamada Jabuuti iyo wafdiga uu wasiirrku horkacayay mid muujineysa walaalnimada qotada dheer ee ka dhaxeysa shacabka Soomaaliyeed iyo reer Jabuuti, iyaga oo intaa ku darray in ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan ciidamada ka socda dalka Jabuuti.
Wasiirrka gaashaandhiga waxaa uu sheegay mar uu hadllay in marnaba amaanka magaalada Baladweyne iyo guud ahaan gobollka Hiiraan gorgortan la galin karin, isaga oo intaa ku darray in dowladda Jabuuti si gaar ah arintaa xil isaga saari doonto.
Waxaa uu ku amaanay ciidamada maamulka gobollka Hiiraan talaabadii ay dhawaan ku soo qabteen gacan ku dhiiglihii dillay Alle ha u naxariisteen Nabadoon Max’ed Shiikh Xusseen Maryacade, oo sida uu sheegay ah arin aan ka dhicin qeybaha kale ee dalka.
Dadka reer Baladweyne ayaa hadda u muuqda kuwo si gaar ah u soo dhaweysanaya ciidamada Jabuuti oo dhinacooda dadka u muujinaya naxariis badan iyo walaalnimada ka dhaxeysa labada dowladdood iyo labada shacab intaba.
- Somaliland oo dib u celisay Diyaarad Ogolaasho ka soo Qaadatay Dowladda Somalia oo ku degi lahayd Garoonka Hargeysa
- XIISADA BARIGA DHEXE IYO GO AANKA MASAR
- Maxaad ka taqaan madaxweynaha cusub ee dalka iiraan
- Beesha caalamka loo gudbiyey liiska qas-wadeyaal carqaladaynaya dowlada Somalia?(Yaa kamid ah Qaswadayaashaasi
- Ciidamada Kenya oo askar ka tirsan ciidamada dowladda ku laayay deegaanka Hoosingoow