Qarax Aad u xoogan ayaa lala Beegsaday Ciidamada AMISOM!!0 comments

By admin
Posted on 05 Jun 2009 at 1:35am

dagaal_la_aadayoQadar Daqiiqado ka Hor ayaa Qarax xoogan Lala beegsaday Kolonyo ciidamada Amiso ee ku sugan Magaalada Muqdisho Ayagoo Marayay Inta u dhaxaysa Garoonka Aadan Cadde iyo Isgooska KM4 ee Magaalda Muqdisho.

Qaraxaas ayaa ka dhacay agagaarka Xafiiska UNDP Ee Magaalada Muqdisho Qaraxaas ayaa ahaa Miinada dhulka lagu Aaso oo meelaha Fog Fog laga Qarxiyo Waloow aan laga War hayn qasaaraha Dhabta ah Soo gaaray

Dhanka kale Ciidamada Amiso Ee Magaalada Muqdisho ayaa Durbadiiba xiray wadoooyinka soo Galayay Garoonka Aadan Cadde iyo waddada Isku Xirta KM4 Iyo Garoonka .

Ma ahan Markii Ugu horeesay ee lala beegsaday Ciidamada Nabad Ilaalinya ee hadda Ku sugan magaalada Muqdisho Maadaama marar badan lala beegsaday Ciidamadaas Qaraxo iyo miinooyinka Dhulka lagu Aaso .

Read also

Comments are closed.