Qabqable Qeybdiid oo ku gacanseyray wasiirka arimaha gudaha…0 comments

By admin
Posted on 03 Dec 2012 at 10:07pm

Cabdi Qaybdiid ayaa Galkacyo ku gurya noqday kadib markii uu ka xanaaqay Wasiirka arimaha gudaha Somalia Cabdi Kariim Xuseen oo taageeray in xalinta khilaafka Galmudug loo maro nidaam dastuuriya.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia ayaa Madaxweynaha Galmudug Dr Mohamud Tima kalajeex iyo wafdi la socday ku Casuumay Muqdisho si ay uga qeybgalaan madal lagu wada hadalsiinayay Qaybdiid iyo Tima kalajeex.
Wasiir Cabdi Kariim oo Dowlada u xilsaartay u kala garqaadida labada dhinac ayaa hadalka furay,wuxuuna siiyay Cabdi Qaybdiid.
Mr Qaybdiid wuxuu sheegay inuu taageero ka heysto qeybaha bulshada beesha Sacad Habargidir intooda badan ,sidaas darteedna uu mar walba diyaar u yahay inuu madasha wada hadalka keeno Odayaasha ugu caansan beesha Sacad si Dowlada dhexe u xaqiiqsato.
Wasiir Cabdi Kariim ayaa markii la dhageystay Qaybdiid wuxuu hadalka siiyay Mohamud Tima kalajeex.

Mr Tima kalajeex ayaa miiska saaray Dukumiintiyadii uu watay ee Madaxweynenimadiisa wuxuuna yiri “Gudigii Madaxweynaha Galmudug Mohamed Ahmed Caalin qabanqaabiyay ee doorashada ayaan sharciyan daba istaagay,halkaas ayaan iska sharaxay,si sharciya ayaana ku guuleeystay, kadibna waxaan sugay Madaxweyne Caalin mudo dheer ,wuxuu si sharciya iigu wareejiyay xilka Madaxweynenimada ”

Tima Kalajeex wuxuu hadalkiisa ku gunaanaday ” Khilaafka Galmudug waxaa xalintiisa loo marayaa Dastuurka Galmudug State ,waxaana ku faraxsanahay nidaam sharciya laakiin Xeer Jajab ma qaadan karno,tan uu Qaybdiid ka hadlaya ee Sacad ku saabsana ,waxaan uga jawaabayaa Galmudug malaha Sacad laakiin beelo Soomaaliyeed ayaa ku mideeysan ,wax walbana waa in loo maro sharciga”
Wasiirka Daakhiliga ayaa Qaybdiid ku yiri ” Maxaad ka qabtaa in khilaafka lagu xaliyo dastuurka maamul goboleedka Galmudug ? hadii aad ogoshahay la imoow dukumiintiyo waxaad heysato “?

Cabdi Qaybdiid ayaa madasha ka istaagay wuxuuna ku dhahay ” Dastuurka aad sheegeysid ma Aayad Quraan baa ,ma sidaas ayaa xalinta khilaafka laguugu saaray ,ma Caruur baad tahay sow Galmudug maaha Sacad ,ma beelo kale ayaad maqashay qeyladooda ”
Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa ugu jawaabay “Anigu waxaan taageersanahay in xalinta khilaafkiina loo maro Dastuurka Galmudug ,hadii aad dukumiintiyo heysato aan dib u balano”


Qaybdiid ayaa istaagay oo yiri ” Waa inoo Galkacyo ,rag isma yaqaane haleeys barto”
Qaybdiid ayaa markii uu tegay Galkacyo wuxuu khudbadiisa ku weeraray Wasiirka iyo beesha Caalamka ,wuxuuna yiri ” Beesha Caalamka nooma maqna,Dowlada dhexe nooma maqno,waa inaan anaga isku tashano ,wax qabsano” Halkaan ka dhageyso http://horyaalmedia.com/21749-2/
Madaxweynaha Galmudug Dr Tima kalajeex iyo wafdiga la socda ayaa lagu wadaa inay Nairobi u dhoofaan si beesha Caalamka loogu gudbiyo dacwad ka dhana Qaybdiid oo ka mida hogaamiye kooxeedyada hubeeysan ee Somalia

Read also
Advertisement

Comments are closed.