Madaxweyne Xassan Shiikh oo maanta u anbabaxay dalka Turkiga

Photos were posted on 05 Dec 2012 at 12:26am
 Madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud oo wehliyaan sadax wasiir oo ka tirsan xukuumada Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta ka ababaxay garoonka diyaarada magaalada Muqdisho

Madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirrka arrimaha dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirrka maaliyada iyo qorsheynta Max’uud Xassan Suleymaan, Wasiirrka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi, iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Safarka madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ay ku aadeen dalka Turkiga oo noqonaya kii ugu horreeyay oo ay dalkaas ku aadaan tan iyo markii Soomaaliya ay ka baxday KMG-nimada ayaan la ogeyn inta maalmood ee uu qaadan doono.

‘’Safarkan waxaan ku tagi doonaa dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Ankara, halkaa waxaana kula kulmi doonaan madaxda dalkaas, annaga oo ka wada hadlli doona arrimo dhowr ah ayuu yiri,’’ madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud.

Dowladda Turkiga ayaa ka wada gudaha dalka Soomaaliya mashaariic kala duwan, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in mas’uuliyiinta dalkaas iyo madaxweyne Xassan Shiikh isla soo qaadaan mashaariicda.

Madaxda ay is arki doonaan madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne Abdalla Guul iyo ra’iisal wasaare Tayip Rajab Ordagan oo uu casuumad rasmi ah ka hallay madaxweynaha.

Viewing photos

(read users comments or add a reply)

View full image

Comments are closed.