Al shabaab iyo jabhada ONLF oo heshiis qarsoodi ah kala saxiixday0 comments

By admin
Posted on 05 Dec 2012 at 12:42am

Ururka AL shabaab iyo jabhada ONLF oo bilihii lasoo dhaafay ku mashquulsanaa sidii ay u gaari lahaayeen heshiis meel dhexe ah oo ay iskula saan qaadi karaan labada dhinaca, waxaana la sheegayaa in is jiid jiid badan kadib ay gaareen heshiis meel dhexe ah kaas oo dhameystirkiisa loo xilsaaray gudi ka kooban AL shabaab iyo jabhada ONLF.

Ururka Al shabaab oo maleeshiyooyinkooda dagaal faraha looga gubtay looga soo saaray jubooyinka ayaa si aad ah u diidan joogitaanka ciidamada Kenya ee gobolada Jubooyinka , halka jabhada ONLF ay siyaasad iyo mileteri ahaanba ay ku lamaanan tahay ciidamada Kenya, iyadoo ujeedada ugu weyn ee ONLF ay tahay sidii ay u heli lahaayeen fariisimo ay kaga duulaan ciidamada dowlada Ethiopia ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo ciidamada jooga magaalooyin ka tirsan degaanka Soomaalida Ethiopia.

Heshiiskan cusub ee qarsoodgai ah ayaa soo baxay booqashadii uu madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Professor Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay dalka Ethiopia kadib , waxeyna dadka siyaasada indha indheeya ay booqashadaas ku tilmaameen mid wax weyn kusoo kordhineyso xiriirka labada dal ee Soomaaliya io Ethiopia maadaama ay labada mas’uul ay yihiin rag kucusb masraxa siyaasada.

Heshiiskan cusub ee dhex maray AL shabaab iyo Jabhada ONLF ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan geli doono maadaama ay AL shabaab iyo Jabhada ONLF ay si aad ah ugu kala fog yihiin joogitaanka ciidamada Dowlada Kenya ee gobolada jubooyinka , waxaana laga war sugayaa sida uu shaqeeyo heshiiskan isku daneysiga ku dhisan ee dhex maray ururka AL shabaab iyo Jabhada ONLF oo taageerada ugu weyn ka hesha dowlada Kenya oo AL shabaab u arkaan cadowga ugu weyn ayna doonayaan in ay xoog uga saaraan gobolada Jubooyinka.

Read also
Advertisement

Comments are closed.