Goor dhoweyd oo duhurnimadii maanta ah ayaa rasaas xoogan waxay ka dhacday xaafada Ex-Fiyoore oo ku taala agagaaarka dhismaha burbursan ee golihii murtida iyo madadaalada (National Theatre-ka) una dhow xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay degan yihiin qaar ka mid ah fanaanintii hoboladii Qaranka ee Waaberi
Sida dad goob joogayaal ahi sheegeen Tacshiiradan ayaa ka dambeysay ka gadaal markii askar ka tirsan ciidamada DF Somalia oo halkaasi ku sugnaa ay rasaas ooda kaga qaadeen askari kale oo isla ciidamada DF ka tirsanaa kaasoo la sheegay inuu isla goobtii ku geeriyooday lama oga sababta ay u dileen askarigaasi hase ahaatee ciidamadii falka dilka ah u geystay askarigaasi ayaa horey u qaatay qori uu ku hubeysnaa askariga la dilay.
Warka ayaa intaa ku daraya in rasaastii lagu furay askarigaasi geeriyooday ay sidoo kale dhaawacyo halis ah ka soo gaareen ilaa afar ruux oo ka tirsanaa dadka deegaankaasi ku nool kuwaasoo ay ka mid aheyd gabar uu aabe u yahay abwaan Saciid Maxamed Harawo oo ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed ee caanka ah kana tirsanaa hoboladii Qaranka ee Waaberi waxaana dadka halkaasi ku dhaawacmay loola cararay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Xaalada goobtaasi ayaa degan iyadoo aysan jirin war arintaasi ku saabsan oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada DF Somalia waxaana dhacdadani ay ku soo beegantay xili dadka ku dhaqan xaafada Ex-Fiyoore oo ku taala agagaaarka dhismaha burbursan ee golihii murtida iyo madadaalada (National Theatre-ka) ay mudooyinkanba ka cabanayeen falal amaan daro ah oo ay sheegeen iney halkaasi ka wadaan ciidamada DF Somalia taasoo saraakiisha ciidamada DF ay horey u sheegeen iney wax ka qaban doonaan.
Read also- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo Muqdisho ku gubtay raashin uu horay u bixiyay barnaamijka cunnada ee WFP
- Dowladda Hindiya oo sheegtay in maraakiib dagaal oo dheeri ah ay u soo direyso badweynta Hindiya si ay !
- Ururka Xisbul Islaam oo sheegay in ay maanta dib u fureen garoonka Diyaaradaha Cisileey iyo Dekadda
- Wasaaradda waxbarashada dowladda KMG ee Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u fureyso!
- Qaramada Midoobay oo wada dadaalo ay doonayso in ay cunaqabatayn ugu rogto dowladda Wadanka Eritrea.