Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun xabsi daa’in ku riday taliyihiin hore ciidamada asluubta Jen Cabdi Max’ed Ismaaciil Idha-buur.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ay sheegtay in ay lagu hellayo taliyaha in uu xabsiga dhexe ka sii daayay 14 maxaabiis ah oo ka tirsanaa sida la sheegay xoogagga Al-shabaab.
Col. Liibaan Cabdi Yaroow oo ah guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in taliyhii hore ee ciidamada Asluub Soomaaliyeed lagu eedeeyay inuu sameeyay qiyaanno Qaran taasoo ahayd inuu sii daayay maaxabiis Al-shabaab ka tirsanaa oo ay maxakamadda ciidamadu horay xukunno kala duran ugu ridday.
Sidoo kale waxaa ay maxkamada ciidamada qalabka sida xukun shan sano ah ku riday Xassan Axmed Cali oo ahaa agaasimihii garsoorka maxkamada ciidamada qalabka sida oo lagu eedeeyay in uu wax ka ogaa falka lagu sii daayay maxaabiista.
Waa xukunkii ugu horeeyay oo noocan ah oo ay maxkamada ciidamada qalabka sida ku rido mas’uul ka tirsanaa hogaanka ciidamada dowladda oo lagu rido xukun ah xabsi daa’in.
- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.