Waxaa saaka kasocda magaalada B/Weyne howlgal balaaran oo lagu sugayo ammaanka guud iyadoo xaafad xaafad loo baarayo magaalada taasna waxa soo dhaweeyay dadka ku nool Gobolka hiiraan oo aad u daneynayaan inay mar uun arkaan iyagoo xor u ah ka faa,iideysiga kheyraadka uu caanka kuyahay sida xoolaha iyo beeraha.
Guddoomiye kuxigeenka G/Hiiraan Axmed inji ayaa sheegay mardhaw inay gacanta kudhigi doonaan dhammaan Hiiraan isagoo sheegay inay isku xiri doonaan Xamar iyo B/Weyne.
“Dadku mardhaw xornimo ayay ku noolaandoonaan” ayuu kudaray hadalkiisa Axmed Inji.
Sidoo kale waxa kusugan B/Weyne wafti heer baarlamaan ah uu hogaaminayo Xil: Cali Nuur Xuseen Boodaaye iyagoo iyagoo la kulmay maamulka sare ee G/Hiiraan. waxa kale oo ay dadka ku wacyi galindoona horumarka iyo nabadda inay taageeraan kana faa,iideystaan waqtigooda.
(read users comments or add a reply)