Wararka laga hellayo degmada Cadalle ee gobollka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in gabi ahaanba ay halkaa isaga baxeen maleeshiyaadkii Al-shabaab ee ku sugnaa.
Dadka degmada ayaa warbaahinta u sheegay in gadiid ay la socdeen maleeshiyaad tiro badan oo ka tirsan Al-shabaab in barqanimadii maanta ka baxay degmada Cadale iyadoo aan la ogeyn halka ay ciidamadaas gaareen.
Degmada Cadalle ayaa noqonaysa degmadii afaraad ee gobolka Sh/dhexe ah ee ay ciidamada Alshabaab ay isaga baxaan iyadoo aan wax dagaal kala hortagin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliyeed.
Maalintii shalay ayeey aheyd markii ay ciidaamda dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM la wareegeen gacan ku heynta magaalada Jowhar iyo degmada Mahadaay.
Dowladda Soomaaliya ayaa u aragta in ay muhiimad gaar ah u leedahay la wareegista degmada Jowhar oo u sahli kara in ciidamada dowladda ku gaaraan deegaannada kale ee gobollka.
- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.