Ciidamo maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa ka socda dalka Jabuuti ee ku howlgalaya magaca AMISOM ayaa maalmihii ugu danbeeyayba siweyn isugu howlanaa sugida amniga magaalada Baladweyne.
Ciidamada ka socda dalka Jabuuti waxaa ay hadda fariisimo rasmi ah ku leeyihiin saldhiga magaalada iyo xarumaha maamulka gobollka Hiiraan halkaasoo ay kala socdaan hadba dhaq dhaqaaqa la xiriira nabad-galyada magaalada, iyaga oo kaashanaya ciidamo ay dhawaan tababar u soo xireen.
Howlgalka adag ee lagu suganayo amniga oo ah mid habeen iyo meelin ay si joogta ah wadaan ciidamada iskaashanaya, waxaa uu meesha ka saaray bandowgii xiliga hore la saari jiray magaalada, gaar ahaan marka ay ciidamada Itoobiya biyaha ka dhaansanayaan ceelasha ku yaala bartamaha magaalada.
Saraakiisha maamulka iyo kuwa ciidamada Jabuuti ayaa dhawaan si wada jir ah u sheegay in wixii hadda ka danbeeya uusan jirin doonin bandow ama hakad la galinayo dhaq dhaqaaqa shacabka ku nool magaalada, si gaar ahna isha loogu heyn doono hadba wax kasta oo u muuqda in ay keeni karaa falal amaan darro.
Ciidamada ayaa lagu arkayaa iyaga oo ku dhax wareegaya xaafadaha magaalada siweynna ilaalo uga haya is-goosyada muhiim-ka ah, xili dhaq dhaqaaqa dadka iyo howl-maaleedka caadi u socdo.
Qorshahan lagu adkeynayo amaanka magaalada Baladweyne ayaa waxaa gacan mug leh ka geysanaya ciidamo dhawaan ay tababar u soo xireen saraakiisha dowladda Jabuuti, kuwaasoo sheegay in sidoo kale dhawaan ay soo bixi doonaan ciidamo kale oo hadda tababar uu uga socdo xarunta AMISOM ee duleedka magaalada, waxaana uu qorshuhu yahay marka ay ciidamadaas soo dhameystaan tababarkooda in ay la wareegaan howsha sugida amniga iyadoo ay kor kala soconayaan ciidamada Jabuuti ee midowgga Africa.
Read also- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.