Magaalada Baladweyne oo hormar dhinaca nabad-galyada iyo ganacsiga gaartay…

Photos were posted on 12 Dec 2012 at 7:19pm

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan waxaa ay hadda u muuqataa mid ku talaabsaneysa hormar dhinaca nabad-galyada ah oo ku naaloonayaa bulshada ku dhaqan magaalada.

Ciidamo si gaar ah u tababar oo ka tirsan kuwa maamulka gobollka Hiiraan iyo ciidamada dowladda Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa ayaa si toos ah ula wareegay sugida amniga magaalada, kuwaasoo habeen iyo meel si foogta ah arintaa uga howlgala.

Xaafadaha magaalada ay ka kooban tahay iyo is-goosyada muhiim-ka ah ayaa lagu arkayaa ciidamada oo si joogta ah uga howlgalaya si fooginna ula socda hadba dhaq dhaqaaq ka jira goobahaas xili dhaq dhaqaaqa iyo howl maalmeedka dadka uu caadi u socdo.

Sidoo kale, waxaa meesha laga saaray bandowgii ama xayiraadii inta badan xiliga hore ay ku soo rogi jireen ciidamada Itoobiya shacabka ku dhaqan magaalada, gaar ahaan xiliyada ay biyaha ka dhaansanayaan magaalada, kadib markii ay mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ku wargaliyeen saraakiisha Itoobiya in aysan suurtagal aheyn xiyiraad la saaro dhaq dhaqaaqa iyo ganacsiga dadka shacab-ka.

Marka aad dhaxmarto bartamaha magaalada waxaa ku soo baxaya kobaca uu sameynayo ganacsiga magaalada, iyadoo ay cimaran yihiin dhamaan suuqyada iyo goobaha ganacsiga.

Sidoo kale, waxaa magaalada lagu arkayaa gadiid kuwa xamuulka ah oo sida badeeco kala duwan kuwaasoo ka yimid magaalooyinka Boosaas iyo Muqdisho, halka sidoo kalana ay jiraan gadiid gobollka uga baxaya gobollada sida W/bari, W/galbeed, Banaadir, iyo dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo intooda badan sida dalaga ka soo go’a beeraha sida qudaarta.

Ganacsatada magaalada Baladweyne ayaa siweyn u soo dhaweeyay howlgalka amniga lagu sugayo oo iska kaashanayaan ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ee sida gaarka ah u tababaran iyo waliba kuwa Jabuuti, iyaga oo kuu sheegaya in is badal muuqda durbaba laga dareemay amaanka.

Dhawaan ayaa la filayaa in sidoo kale ay soo baxaan ilaa 150 askari oo hadda uu tababar uga socdo duleedka magaalada Baladweyne, kuwaasoo ku biiraya qorshaha lagu sugayo amniga magaalada Baladweyne oo xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda Jabuuti ayaa si gaar ah ula macaamilaya dadka, taasoo ka tarjumeysa magaca HIIL Walaal oo ay ku howlgalayaan marka laga soo tago in ay ka tirsan yihiin ciidamada AMISOM.

Viewing photos

(read users comments or add a reply)

View full image

Comments are closed.