Wafdi ka socday hay’adda Qaramada midoobay ayaa maanta gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaas oo uu kulamo kala qaateen mas’uuliyiinta gobolka.
Wafdigan ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay ee gaaray B/weyne ayaa kulan socday saacado la qaatay maamulka gobolka kuwaas oo ay kala hadleen sidii ay dib u dhis ugu sameyn lahaayeen qaar ka mid ah iskuulada ku yaala magaaladaasi.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka gobolka Hiiraan Axmed Cabdule Cusmaan Axmed Inji oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in wafdiga socdaalkoodu uu ahaa sidii ay gacan uga geysan lahaayeen hormarka gobolka kuwaas oo dib u dayactir ku sameyn doono qaar ka mid ah iskuulada B/weyne.
(read users comments or add a reply)