Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya ayaa saaka aroortii si nabadgelyo ah kula wareegay jaziiradda Kudhaa oo qiyaastii 180 KM dhanka koonfur galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.
Ciidamada huwanta ah oo aad u qalabeysan ayaa shalay gelinkii danbe kasoo ruqaansaday fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Buurgaabo oo waxyar ku jirta Jaziiradda Kudhaa.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Jubada hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay xilligii ay la wareegayeen.
Ciidamada huwanta ah ayaa saaka marka ay gudaha u galeen deegaankaasi waxa ay fariisimo ka sameysteen gudaha iyo daafaha, waxaana xaaladda deegaanka ay tahay mid dagan.
“Al-shabaab xalay ayay magaalada isaga baxeen, saaka aroortiina waxa soo galay ciidamada dowaldda iyo kuwa Kenya,” sidaa waxa yiri goobjooge ku sugan deegaanka Kudhaa oo HOL u waramay.
Ilaa imika ma jiro wax war ah oo arintaasi ku saabsan oo kasoo baxay dhanka masuuliyiinta Al-shabaab ee gobollada Jubooyinka.
Deegaanka Kudha ayaa sanadihii waxa gacanta ku hayay xoogagga Al-shabaab, waxaana ka bixitaankooda deegaankani uu kusoo beegmaya xilli dhawaan ay Al-shabaab isaga baxday degmada Ufurow ee gobolka Bay.
Read also- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.