Dowlada Soomaaliya oo mucaarad cusub oo xooggan uu ku soo baxay (waa kee Mucaaradkaasi)

Photos were posted on 18 Dec 2012 at 1:02pm

Iyada oo ay meesha kasii bexeyso awoodii badneed ee Al-shabaab ay mar ku lahaa jireen gayiga Soomaaliya oo lagu haminayay in Soomaaliya ay nabad isu bedeli doonto ayaa waxaa soo baxay mucaarad cusub oo aan ladhaliishan karin.

Macalim Maxamuud Sheekh Farax oo kamid ah masuuliyiinta Kooxda Ahlusunna oo ku caawin jirtay dowlada Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Shabaab ayaa hadda waxa uu daaha ka rogay waxa uu hadafkoodu yahay.

Masuulkaan ayaa waxa uu si cad u sheegay in ay hubkooda qaadanayaan oo ay dagaalamayaan hadii laga deyn waayo waxa uu ku shegay daan daansiga iyo ku xad gudubka dowladu ay ku wado kooxda Suufiyada.

Macalim Maxamuud Sheekh Farax ayaa yiri, “Dowlada Soomaaliya wasiirada noogma darin cid innnaga nametsesha, marar badan ayaan u dignay kama soo aysn jawaabin madaxda dalka, hada digniin waa ka baxday markaan hadii laga soo jawaabi waayo ficil ayaan ku muujineynaa dareenkeena”

Waxa uu intaa sii raaciyay, “Dowladu waxa ay sheegtay in ciidamada Ahlusunna lagu biirinayo ciidamada dowlada taasi waa waxba kama jiraan, halgalnkenii miyeey doonayaan in ay meesha kasaaraa? Waxa aan leeyahay naga daaya guriga aad daaqada kasoo geleysaan. Inaagu waxba kama ogin meel ciidankeennu kula biirayaan ciidanka dowalda. Arintaasni waa qodobka labaad ee nagu qasbaya in aan dagaalanno”.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maalma kahor waxa ay shaacisay in ciidamada Ahlusunna lagu dari doono ciidanka qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya si aysan u jirin maleeshiyaad aan ciidanka dowlada ka tirsneyn oo shaqeeya.

Horay ayaa Maleeshiyaadka Raaskabnbooni oo dowlada kula jiray dagaalada ay kala hor jeedaan Shabaab waxa ay isu rogeen rag hadaf gaar ah leh oo aanba dowlada aqoon sidaas ah u laheyn, arintaas oo abuurtay caqabad baahsan oo isku hor gudubtay u sameynta maamul hagaagsan oo ay yeshaan gobalada Jubooynka iyo Gedo.

Viewing photos

(read users comments or add a reply)

View full image

Comments are closed.