Gudmoomiyaha Degmada Deyniille ee gobalka Banaadir, Daahir Xassan Xuseen, ayaa waxa uu ka shanqariyay in Al-shabaab ay saldhigya ay ku leeyihiin degmadiisa, aysanna suura gal aheyn in ay xididada u siibaan maadaama dowladu ka jiifatay.
Daahir Xassan Xuseen ayaa waxa uu yiri, “Xaruma Waaweyn oo aan qarsooneyn ayeey Shabaabku ku leeyihiin Deyniille, maamulkeennu waxba kama qaban karo, dowladuna way iska dhega tirtay wayna ka talaabsatay oo meela kale ayeey ku jaheysantahay, magaranayo waxa keenay in Dayniille Shabaab joogo goballa kalana loo xureynayo”.
waxa uu intaa raaciyay,”shacabka degmada ku nool dowlada iyo Shabaab waxba isuma dooriyaan, Habeenkiina Shabaab ayaa dadka ku dila maalintiina Ciidamada dowalada ayaa haweenka kufsada, dadka cidey doonaan dila, boob kageesta ciddii ay doonaanna xabiga dhiga”.
Gudoomiyaha ayaa baaq u diray dowalda Soomaaliya isaga oo hoosta ka xariiqay in hadii dowakdu ay meesha ka saarto Shabaabka wali ku harsan degmadiisa ay caasimadu nabad noqon laheyd madaxtooyadana aan hoobiye lagyu tuureyn.
si kastaba, hadalka Daahir Xassan Xuseen ayaa waxa uu imaanayaa xilli degmada Deyniille Shacabka ku nool ay noqdeen dheragii labada dhinac ka gubtay, oo maalintiina, Kufsi, Boob Handadaad, Xir xirid iyo dil ciidamda dowladu ay ku hayaan habeenkiina Shabaab uu dadka kudilo.
Arintaan hadii aan wax laga qaban waxa ay dhabar jab ku tahay dadaalada dowaldu ay wado ee ku aadan nabadeynta dalka gaar ahaan Caasimada iyada oo aysan jirin cid loo sheegi karo caasimada ayaa laga xureyay Shabaab iyada oo saldhigya waaweyn oo si xur ah u shaqeeya ay Shabaabku ku leeyihiin qeybo kamid ah gobalka Banaadir.
Read also- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.