Dal sabool ah oo colaad ku soo jiray mudo sida Soomaaliya meeqa safaaradood ayuu yeelan karaa?

Photos were posted on 23 Dec 2012 at 11:56am

Inkasta oo ay Soomaaliya magac ahaan ka baxday xiligii ku meel gaarka ahaa howlaha horyaala xukumada cusub ee uu garwadeenka ka yahay r/wasaaraha cusub ee jamhuuriyada federalka Soomaaliya iyo golahiisa wasiirada ma yara.

Hadaba marka la eego dhaqaale xumida iyo colaada ka taagan dunida inteeda kale waxaa jira dowlado waaweyn oo ku mashquulsan sidii ay u yareyn lahaayeen shaqaalahooda ka howl gala safaaradaha ay dunida ku leeyahiin iyagoo wadamada qaarkood oo ay ku lahaan jireen safiiro hada doonaya iney ka howl galaan oo kaliya dhawr wadan si ay u yareyaan dhaqaalaha wadankooda kaka baxa shaqaalaha.

Hadaba sida laga war qabo wasaarada arimaha dibada Soomaaliya ayaa wado qorshe safaaradaha dunida loogu magacaabayo safiiro cusub, waxeysa su’aal ka taagan tahay ma wadankasta ayaan safiir ku yeelaneynaa mise dhawr wadan oo muhiim ah?

Markaad eegto dowlado fara badan oo ka mid ah kuwa horey u maray amaba dhawr dowladood oo ku mideysan hal dalad ayaa mararka qaarkood safaarado ku laheyn dalal badan waxaana intooda badan wakiil uga ah mararka qaarkood hal wadan amaba hal wadan ayey safiir u sameeyaan kadibna dhawrka wadan ee ku hareereysan ayey u sameeyaan qunsulo caawiya dadka u dhashay dalkaas.

Soomaaliya oo ka mid ah wadamada aduunka ugu barwaaqada badan marka la eego qeyraadka dhax ceegaaga, laakinse markaad dhinaca kale ka eegto dunidan aynu ku nool nahay looga yaqaano mid- ka ugu saboolsan uguna musuq maasuqa badan sanadahii ugu danbeeyey ee ay dalka ka jireen dowladahii kumeel gaarka ahaa waxuu wadamo badan ku yeeshey safiiro fara badan waxaana jirta mar uu xitaa ka fasiiro batay dalka aduunka ugu dadka badan ee Shiinaha safaaradaha ay caalamka ku leeyahiin iyo kuwa ay Soomaaliya ku leetahay.

Hadaba waxaad isweydiisaa dalalka Kenya, Ethiopia, Ugandha, Jabouti oo dhamantood ku yaala geeska Africa ma laga yaabaa in hal safiir loo sameeyo inta uu wadanku ka baxayo colaada iyo gaajada dadkiisuna noqonayaan dad isku filan dhinackasta inta kalena loo sameeyo qunsulo amaba wakiilo?

Hanaanka dowladnimo waa shey qaali ah intii fahmi karto amaba ku soo bar baartay nidaam dowladeed ayaana fahmi karta waxaase dad badan ka yaabiso mararka qaarkood sida ay shaqsiyaad Soomaali ah iskugu qabqabsadaan safaarado badan oo caalamka ku yaala iyagoo xili ay koox koox u wataan waqaaqo aqoonsi ah oo iskugu jirta safiirnimo iyo qunsulnimo.

Inkasta oo ay xukumada cusub wali ku shaqeyneyso Villa Soomaaliya wasaaradii arimaha dibadana ayba ka mid tahay goobaha ay dad gaar ah xooga ku heystaan oo dhamaan golaha wasiirada cusub ku shaqeeyaan xarunta Villa Soomaaliya waxaa la dhihi karaa Soomaaliya magac ahaan ayey kumeel gaarkii uga baxday ee Mogdishu iyo xaalkeeda waxba iskama bedelin wali.

Marka laga soo tago in dhawaan la filayo iyo dalalka aduunka qaarkood loo magacaabayo masuuliyiin cusub marka aad xaalada Mogdishu dhinaca kale ka eegto dowlada Turkiga waxey qaati ka taagan tahay shacab degan goobo ay ka fulin laheyd mashaariic horumarineed.inkasta oo ay dadaal xoogan oo arintaan wax looga qabanayo ay wadaan maamulka gobolka Banaadir hadane waxaad moodaa wasaarada arimaha gudaha in ay howsheeda gabtay oo aysan u diyaarsaneyn in dib loo soo nooleeyo bilicdii ay horey u laheyd Mogdishu arintaan oo la sheegay in ay dabada la galeyso marka dhinackasta laga eego dano qabiil iyo mid siyaasadeed ilaa wasaaradaas loo helo shaqsiyaad ay ka go,an tahay sidii loo heli lahaa qaran Soomaaliyeed oo wasaaradaas awooda ay leetahay ugu shaqeeya umada.

Sikasta oo ay ahaataba Marwo Fowzia oo nasiib u yeelatahy iney noqoto wasiirkii ugu horeyey ee xilkaan loo magacaabo oo ka socda dumarka Soomaaliyeed dadaalka ay wado ma yara waxaase iyada iyo wasaaradeedda hor yaala howlo culus oo wax ka qabasho u baahan marka laga hadlayo siyaasada arimaha dibada iyo qaabka ay u shaqeynayaan safaaradaha caalamka oo qaarkood xaraash iyo kiro maraya hada.

Viewing photos

(read users comments or add a reply)

View full image

Comments are closed.