Gollaha Wasiirrada Oo Ka Digay Duufan Laga Yaabo In Ay Bari Ku Dhufato Qeybo Ka Mid Ah Soomaaliya0 comments

By admin
Posted on 25 Dec 2012 at 12:00am

Kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho xubnaha gollaha wasiirrada xukuumada Soomaaliya ayeey kaga hadlleen arrimo la xiriira amaanka iyo waliba duufaan laga sii digay oo laga yaabo in maalinta Bari ah ku dhufto xeebaha koonfur bari ee Soomaaliya.

Gollaha wasiirrada ayaa soo saaray digniino ku wajahan dabeylaha, iyadoo si gaar ah loogu wargeliyay Kaluumeysatada iyo dadka degan deegaanad aku yaala xeebaha.

“Warar saadaal oo kaliya ah ayaa sheegaya suutagalnimada in maalinta bari ah ku soo abaaran tahay xeebaha Soomaaliya duufaan roobab wadata, waxaana shacabka ku dhaqan deegaannada la tilmaamay uga digeynaa duufaanta la sheegay, waxaana loo baahan yahay in ay ka sii taxadiraan, ‘’ ayuu yiri,’’ wasiirrka arrimaha gudaha.
C/kariin Xusseen Guulleed wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo saxaafada u faah faahiyay kulanka iyo waxyaabihii looga hadlay ayaa ugu horeyn sheegay in golaha Wasiirada ay ka hadleen dhinaca amniga, gaar ahaan xog ay ka heleen in Al-Shabaab isku uruursanayaan dulleedka Dayniile ilaa Wabiga Shabelle.

“Waxaan hellnay oo na soo gaaray xog la xiriirta in degmada Deyniille ilaa ilaa wabiga Shabelle ay isku uruursanayaan Al-Shabaab oo raba inay weeraro ku soo qaadaan, ciidamadana waa u diyaar garoobeen”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka oo intaa ku daraya in Muqdisho uu ka bilowday howl gal habeen iyo maalin soconaya oo ammaanka lagu sugayo.

Sida ay sheegtay hay’ad dhinaca saadaasha hawada qaabilsan oo fadhigeeda yahay Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku wajahan dabeylo roobab wata oo ka dhaca maalinta baro xeebaha.

Read also
Advertisement

Comments are closed.