Qarax miino oo qasaare gaystay ayaa saakay waxa uu ka dhacay isgoyska Nasiib buundo ee degmada Shibis ee magaalada Muqdisho kaasoo ay ku geeriyoodeen ilaa saddex qofood oo la socday gaari kuwa raaxada ah ee loo yaqaano Mark II oo halkaasi marayay markii uu qaraxa dhacayay, inkastoo aan la garan karin in qaraxa halkaasi ka dhacay iyaga lala damacsanaa iyo in kale.
Goob jooge ku sugan nawaaxiga goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in intii uusan qaraxa dhicin daqiiqado ka hor uu halkaasi maray gaari tikniko ah oo ay la socdeen ciidamada dawladda federalka Soomaaliya, waxaana ku xigay gaarigan Mark II oo uu qaraxani haleelay, isla markaana uu gebi ahaanba burburriyay, wuxuuna intaasi ku daray in saddexda qofood ee la socday gaariga ay qaraxa miinada haleeshay xubnaha jirkooda la kala garan waayay.
Qaraxa kaddib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dawladda federalka Soomaaliya oo isku gadaamay goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaasoo bilaabay inay ridaan rasaas ay ku kala cayrinayaan dadwayne halkaasi isugu soo xoomay, waxaana ilaa hadda la kala xaqiijin karin in qaraxaasi lala damacsanaa gaarigii tiknikada ahaa ee halkaasi maray iyo gaariga Mark ii uu haleelay.
Read also- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo Muqdisho ku gubtay raashin uu horay u bixiyay barnaamijka cunnada ee WFP
- Dowladda Hindiya oo sheegtay in maraakiib dagaal oo dheeri ah ay u soo direyso badweynta Hindiya si ay !
- Ururka Xisbul Islaam oo sheegay in ay maanta dib u fureen garoonka Diyaaradaha Cisileey iyo Dekadda
- Wasaaradda waxbarashada dowladda KMG ee Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u fureyso!
- Qaramada Midoobay oo wada dadaalo ay doonayso in ay cunaqabatayn ugu rogto dowladda Wadanka Eritrea.