Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Maanta si buuxda ula wareegay gacan kuheynta Deegaanka Saqiiro oo kuyaala xadka Degmooyinka Dayniile iyo Afgooye.
Deegaanka Saqiiro ayaa ahaa saldhigii ugu weynaa ee Al-Shabaab kasoo qaadi jireen Weerarada qorsheesan ay ka fuliyaan Muqdisho iyo inta u dhaxeysa Afgooye iyo sidoo kale Weerarda Madaafiicda ah ee lagu soo tuuro xarunta Madaxtooyada.
Abaanduulaha Ciidanaka Xooga Soomaaliyeed Jen Dhaga Badan ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM xalay saqdii dhaxe kasoo dhaqaaaeen Xerada maslax saakayna la wareegeen Deegaanka Saqiiro uu sheegay in uu ahaa saldhigii ugu weynaa ee shabaab ee Duleedka Muqdisho ayna ka carareen kahor inta aysan ciidamada imaanin.
Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka C/Kariin Xuseen Guuleed ayaana maanta tagay Deegaanka Saqiiro ee gobolka Sh/Hoose isagoona xusay in Shabaab halkaasi ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay Magaalada ka geestaan hasa ahaatee maanta kadib aysan weerar dambe kasoo qaadi doonin.
Dhawaan ayey aheed markii Xukuumada Soomaaliya ay digniin kasoo saartay Shabaab tiro badan oo isku uruursanayay duleedka Degmada Dayniile ee Gobola Banaadir ,Qabshada Deegaanka Saqiiro ayaana u muuqanaya mid ay Dowlada uga hortageysay qatarta Shabaab kaga imaanaysa amaanka guud ee magaalada Muqdisho iyo Gobolka Sh/Hoose.
Read also- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.