Iyadoo si rasmi ah ay uga baxday hay’adda MSF Swiss gacantii ay sii jirtay isbitaalka magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan oo si rasmi ah ay u soo gabagabeysay bishan December, ayuu bilaabay guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax olale lagu taageerayo isbitaalka, si ay u sii socdaan howlihii adeegii uu siin jiray bulshada ilaa laga hellayo hay’adda kale oo la wareegta.
Guddoomiyaha oo booqday isbitaalka soona arkay bukaanada jiifa iyo howlaha ay ka hayaan shaqaallaha ayaa sheegay in maamulkiisu xooga saari doono sidii loo sii wadi lahaa adeegyada caafimaad ee uu isbitaalku bixiyo.
Waxaa uu baaq guud u dirray guddoomiyaha gobollka Hiiraan ganacsatada gobollka guud ahaan, jaaliyadaha dibada, iyo waliba dadka dhaqaallaha heysta ee ka soo jeeda gobollka in ay ku dadaalaan sidii loo gacan qaban lahaa isbitaallka ilaa laga hellayo hay’adda si rasmi ah ula wareegta howlihiisa.
Waxaa uu balan-qaaday guddoomiyaha in uu si gaar ah maamulka uu hogaamiyo bil kasa u bixin doono dhaqaallaha ku baxaya Biyaha, Shidaalka iyo waliba nadaafada Isbitaalka, islamarkaana uu isaga si gaar ah dadaal xoog leh uu ugu gali doono sidii loo caawin lahaa shaqaallaha, loona helli lahaa dawo lagu isticmaalo isbitaalka.
‘’Isbitaalka oo xirmo dhibaato xoog leh ayuu ku yahay bulshada gobollka, suurtagal ma’aha in haddii ay gabar naga xanuunsato in aynu weyno meel aan ku daweyno ama la yiraahdo haloo qaado Muqdisho ama Galguduud oo laga yaabo in uu xanuunku ku simi waayo ayuu yiri,’’ guddoomiyaha gobollka Hiiraan.
Waxaa uu sheegay in looga baahan yahay bulshada gobollka oo idin in ay u wada kacaan arinta iyada ah, madaama la og-yahay kaalita caafimadku uu uga jiro nolasha aadanaha.
- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.