Guddoomiyaha gobollka Hiiraan oo kulan balaaran ku qabtay isbitaalka

Photos were posted on 01 Jan 2013 at 1:53am
Guddoomiyaha gobollka Hiiraan oo labadii cisho ee la soo dhaafay xusul duub adag ugu jiray sidii uu u sii shaqeyn lahaa isbitaalka Baladweyne, kadib markii ay joojisay kaalmadii ay sii jirtay hay’adda MSF Swiss, ayaa maanta kulan ballaaran ku qabtay isbitaalka guud ee Baladweyne.

Kulanka oo ahaa mid wada tashi ah ayuu dhinaca kale guddoomiyaha gobollka ku dhiiri-galinayay qeybaha bulshada gobollka in ay gacan mug leh ka geystaan sidii loo sii wadi lahaa adeegyada caafimaad ee uu isbitaalku u hayo bulshada gobollka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha in haddii ay go’aansadaan dadka reer Hiiraan gacan siinta isbitaalka la sii wadi karo howlaha uu u hayo bulshada in ka badan intii ay gacanta ku heysay hay’adda MSF oo si gaar ah uga mahad celiyay mudadii lixda sano ahaa oo ay waday howlaha isbitaalka guud ee Baladweyne.

Waxaa uu sheegay in uu goobta ka balan-qaaday guddoomiyaha gobollka Hiiraan in uu isaga jeebkiisa bil kasta ka bixin doono lacag dhan $ 2500 oo doolar oo wax looga qaban doono baahiyaha gaarka ah ee heysta isbitaalka, sidaa si lamid ahna laga doonayo inta wax heysta in ay gacan ka geystaan sidii uusan isbitaalku u xirmi laheyn.

Intii uu kulanku socday ayaa waxaa ay marwada guddoomiyaha gobollka Maryan Max’ed Cabdul soo gaarsiiyay isbitaalka deeq dhan 124 Joodari oo ay sheegtay in loo isticmaali doono sariiraha ay jiifaan bukaanada ku jira isbitaalka, iyadoo intaa ku darrtay in ay intii awoodeeda gacan siin doonto isbitaalka

Mas’uuliyiinta isbitaalka ayaa siweyn uga mahad celiyay guddoomiyaha gobollka is bar bar taaga uu u sameeyay xili sida ay sheegeen ay xaaladu ku xun tahay, waxaana ay balan-qaadeen iyaga shaqaallaha isbitaalkaba in ay si bilaash ah uga adeegi doonaan dadkooda.

Acont loo furay isbitaalka haddii aad dooneyso in aad dhaqaalle ku yaboohdo {BWYD000360 oo laga furay shirkada Dahab-shiil}

Viewing photos

(read users comments or add a reply)

View full image

Comments are closed.