Doorashada Olympicada Soomaaliya & Doorka Bashiir Goobe iyo Tarsan (Shaxda Doorashada).0 comments

By admin
Posted on 01 Jan 2013 at 7:15pm
duranMa dhicin oo lama maqal illaa iyo xilligaan waqti cayiman oo ay Guddoonka GOS ku shaaciyeen qabashada Doorashadooda, taasi oo ula jeedkeedu ahaa in aan Saaxada GOS cid dheeri ah aynu kusoo biirin, isla markaana Doorashadooda noqoto mid dhag isugu sheeg ah.
Waxaa la gaaray Xilligii Doorashada GOS, waxa ayna doorashadu dhaceysaa Maalinta Khamiista ee fooda inagu soo heyso, iyadoo ay ka dhici doonto Hotel Jazira Magaalada Muqdisho.

Dad badan oo ku han-weynaa in Xilka Guddoomiyaha GOS isku sharaxaan ayaa daaqada ka baxay, iyadoona Qorshaha GOS ay xilligaan uu yahay shax cusub uusoo dajiyay C/llaahi Axmed tarabi oo xilligaan ah Awooda Isboortiga dalka Soomaaliya.

Hadaba xilli ay doorashada GOS ka harsan tahay Maalmo ayaa waxaa inoo suura gashay in aan helno Qaabka Qorshuhu uu yahay (Shaxda Doorashada GOS)

Xilka aan weli la isku heysan.

1- Guddoomiyaha GOS 4-ta sano ee soo socota waxaa noqon doona sida Qorshuhu yahay C/llaahi Axmed Tarabi, oo xilligaan ay kasii dhamaaneyso Xilka Xoghayaha Guud ee GOS.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee GOS, oo la isku haysto.

Tarabi oo xilligaan Awood Siyaasadeed lasoo baxay, ayaa Qorshihiisa waxa ay tahay in Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee GOS uu ka dhigo Cabdi Xasan Wataac oo xilligaan ah Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga.

Duran Faarax oo xilkaan in muddo ah soo haayay ayaa damac xoogan ugu jira mar hadii Xilka Guddoomiyaha GOS oo uu Muddooyinkaan ku hanweynaa uusan heleenin uu mar kale kusoo laabto Xilkiisii hore ee Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee GOS.

C/llaahi Axmed Tarabi ayaa doonaya in Duran uusan ku imaan wax doorasho ah, balse uu ku qancinaayo in uu noqon doono Xoghayaha Guud ee GOS, taasi oo qorshaha dhabta ay ka danbeysa noqoneysa hadii Duran iyo Tarabi is fahmi waayaan in Xilka si deg deg loogu qaado Duran, maadaama uu noqon doono shaqsi xilkaasi loo dhiibtay.

Duraan Faarax oo shaxda Tarabi ka duulaya ayaa xilligaan Maciin biday Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Horu-marinta Adeega Bulshada Gen. Bashiir Maxamed Jamac (Bashiir Goobe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ahna Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan.

Bashiir Goobe iyo Tarsan ayaa ku qancinaya Tarabi in Duran Farax mar kale kusoo laabto Xilka Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee GOS, balse Tarabi ayaa dhankiisa ku doodaya in qaab dhismeedka GOS oo lagu wado mid siyaasadeesan suurta gelineenin in Duran Xilkaasi qabto isagana uu noqdo Guddoomiyaha GOS.

Xilka Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee GOS oo la isku haysto.

Xasan Elman oo in muddo ah soo ahaa Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee GOS ayaa mar kale damac ugu jira in xilkiisa uu kusoo laabto, balse waxaa xilkaa ku heysta Guddoomiyaha Xiriirka Kubada Gacanta ahna Kaaliyaha Xogahaya GOS Maxamuud Xuurshe Eenow.

Eenow ayaa kalsooni buuxda ka heysta C/llaahi Axmed Tarabi oo xilligaan ah Awooda Isboortiga dalka, waxa uu sidoo kale kalsooni buuxda ka heystaa Xiriirada hoos yimaada GOS ee iyagu codka bixinaya, balse hadii ay taasi dhacdo waxaa hubanti ah in Xasan Elman uu saaxada isboortiga ka dagi doono.

Kaaliyaha Xoghayaha, lana filayo in uu noqdo Xoghayaha Guud ee GOS Mustaqbalka.

Maxamed Cabdow Xaaji (Kaneeco) xilligaan waa Kaaliyaha GOS, waa ninka ugu Mushaarka badan Guddiga Olympicada Soomaaliyeed marka laga tago Guddoomiyaha GOS, waa maskaxda ay ku dhaq dhaqaaqdo GOS, waxa uu kalsooni buuxda ka heystaa C/llaahi Axmed Tarabi, waana shaqsi dhalinyaro oo Asal ahaan meesha uu keensaday Tarabi.

Qorshaha ugu weyn ee Tarabi xilligaan damacsan yahay ayaa waxa ay tahay in Duran Farax uu noqdo Xoghayaha GOS, isla-markaana Maxamed Cabdow uu noqdo Kaaliye, mustaqbalkana Maxamed Cabdow si toos ah loogu wareejiyo Xilka Xoghayaha GOS.

Hadii Tarabi cadaadis badan xilligaan lagu saaro in Duran uu noqdo Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee GOS, waxaa is badal weyn ku imaan doonna Shaxda uu dajiyay C/llaahi Axmed Tarabi, iyadoona Xoghayaha guud ee GOS uu noqon doonno Maxamed Cabdow Xaaji.

Hanka laga qabay Wasaarada Horu-marinta Adeega Bulshada.

Wasaarada Horu-marinta Adeega Bulshada oo ay hoos timaado Wasaarado badan oo ay ka mid tahay Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga, ayaa dad badan waxa ay ku taamayeen in ay fara gelin ku sameeso Isbaheysiga GOS oo iyagu sida ay rabaan ka yeeshaan Isboortiga dalka, maadaama Wasaaradooda ay tahay mid u xil-saaran, isla markaana Hey’adda GOS ay ka mid tahay Hey’addaha Qaranka ee hoos taga Dowlada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Ma dhicin oo Wasiir kuxigeenkii Wasaarada ayaa waxa uu xilligaan dagaal ugu jiraa in mid ka mid ah Saaxibadiisa lagu soo daro Garaan-garta GOS, taasi ceeb iyo fadeexad ku ah Wasaarada, maadaama wax qabadkii laga sugaayay uu isku badalay in ay lugta la gasho waxii 18-sano ugu danbeeyay laga qeyli dhaaminaayay.

Lama oga sida xaalka uu noqon doono, balse waxaa hubanti ah in Isboortiga dalka Soomaaliya uusan waxba iska badali doonin sidii uu ahaa 18-kii sano ee ugu danbeeyay, marba hadii aysan jirin is badal dhab ah oo muuqda, iyadoona Wasaarada Isboortiga ay noqon doonto mid Magac ahaan u taagan, ayna mareyso wadadii ay horey u mareen Wasaaradihii KMG-ahaa.

Source: wehelmedia.com 

Read also
Advertisement

Comments are closed.