Sida uu xaqiijiyay wasiirka arimha gudaha Soomaaliya Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, dowlada Suudaan ayaa waxa ay dowlada Soomaaliya ka balan qaaday in ay u tababareyso police, gudoomiyaal gobal iyo saraakiil kasocota waaxda socdaalka dalka.
“Wasiirka arimha gudaha Suudaan ayaan kulan wada qaadanay, Waxa uu noo sheegay in dowlada Suudaan diyaar noola tahay in ay noo tababarto Police, maamulayaasha gobalada iyo saraakiil katirsan waxaada socdaalka dalka”, sidaa waxaa yiri Cabdi Kariim Xuseen Guuleed oo kamid ah wafdi madaxweynaha Soomaaliya booqasho kula jooga Suudaan.
Waxa uu intaa sii raaciyay in kulamo gaar gaag ah wasiirada safarka kuwehliya madaxweynaha ay layeelan doonaan wasiirada ay isku shaqada yihiin ee dalka Suudaan
Dhanka kale, Cabdi Kariim ayaa waxa uu sheegay in ay kulan laqaadanayaan wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ardada Soomaaliyeed ee Suudaan wax kabarata.
Read also- Taliyaha Cusub ee Booliska Somalia oo Ballan-qaaday in uu sugayo Amniga Caasimada
- Madaxweynaha oo saaka London ka furaya shir looga hadlayo horumarinta ganacsiga Soomaaliya
- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka