Ciidamada amisoom ee hiil waal ee jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa isbatalka guud ee magaalada Beledweyn ugu deeqay Matoor loo adeegsan dooono soo saarista biyaha cisbitaalka guud ee magaalada Beledweyn.
Iyadoo cisbitalka magaalada Beledweyn ay ka jirtay dhibaatooyin la xiriira dhinaca biyaha ayaa ciidamada AMISOM ee ka howlgala Beledweyn waxa ay maamulka cisbitalkaasi gudoonsiiyeen Motoor loo isticmaali doonto soo saarida Biyaha .
.Saraakiisha hiil waalaal ee jabuuti ayaa muujiyay sida ay uga damqadeen dhibaatada ka jirta cisbitaalka guud ee magaalada Beledweyne, waxeyna ugu baaqeen ganacsatada iyo jaaliyada reer Hiiraan in ay wax ka qabtaan baahida cisbitalka magaalada Bedelweyn.
Samatar Ducaale oo ka mid ah saraakiisha ciidamada AMISOM ee ka howlgala Beledweyne ayaa sheegay in ay jiraan dhibaatooyin kale oo heysta bukaanada jiifa cisbitaalkaasi.
Maamulka cisbitalka guud ee Beledweyn ayaa uga mahadceliyay saraakiisha ciidamada walaalaha Jabuuti ee Motoorka cusub ugu deeqay cisbitaalka, wuxuuna maamulku ku boorriyay dadka reer Hiiraan in ay u istaagaan sidii ay ku dabooli lahaayeen baahida cisbitaalka.
Si degdeg ahana uga soo jabaabaan codisiyadii ay horay ugu gudbiyeen jaaliyada reer hiiraan iyo ganacsatada gudaha wadanka ku suganba , oo aysan wali ka helin wax jabaab ah , marka laga reebo odoyaal gobolka u dhashay oo gudaha ku sugan oo muujiyay in ay ka geestaan wixii ay awoodi kareen ayna ka rajeeynayaan in ay ka soo jawaabi doonaan sidii cisbitaalku howshiisa shacabka uu u hayo uu u sii wadi lahaa.
Read also- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.