Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxaa lagu soo geba gebeyay kulan ay soo qaban qaabisay Dowladda Turkiga oo diirada lagu saaray dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
kulankaasi waxaa ka qeyb galay wufuud ka kala socotay Soomaaliya, IGAD, Midowga Afrika,Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay.
Dowlada Soomaaliya kulankaasi waxaa u matalayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdi Xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wafdi uu hogaaminayay oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidammada meleteriga Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamaal Baroow.
Kulanka ayaa ugu danbeyn waxaa leeskula afgartay in Soomaaliya loo qalabeeyo 25,000 oo askari sedaxda sano ee nasoo aadan si ay ula wareegaan amaanka dalka guud ahaan.
Soomaaliya oo mar laheyd ciidanka ugu wanaagsan geeska Afrika ayaa xilligaan waxa ay kaliidataa ciidanka, iyada oo taas loo sababeynayo 22-sano oo fowda iyo kala danbeyn la’aan ay dalka ragaaiday, waxaana hadii ciidanka loo qalabeynayo lagu guuleesto soo noqonaya sumcadii Soomaaliya ee dhanka meleteriga.
Read also- Somaliland oo dib u celisay Diyaarad Ogolaasho ka soo Qaadatay Dowladda Somalia oo ku degi lahayd Garoonka Hargeysa
- XIISADA BARIGA DHEXE IYO GO AANKA MASAR
- Maxaad ka taqaan madaxweynaha cusub ee dalka iiraan
- Beesha caalamka loo gudbiyey liiska qas-wadeyaal carqaladaynaya dowlada Somalia?(Yaa kamid ah Qaswadayaashaasi
- Ciidamada Kenya oo askar ka tirsan ciidamada dowladda ku laayay deegaanka Hoosingoow