Wasiirrka Kheraadka dalka xukuumada Soomaaliya shir uga qeyb-galaya dalka Turkiga

Photos were posted on 20 Jan 2013 at 2:31pm

Wasiirrka wasaarrada Kheyraadka dalka xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Max’ed iyo wafdi la socda ayaa maanta u anbaxay dalka Turkiga, halkaasoo uu kaga qeyb-gali doono shir looga hadllayo xaalufinta dhirta.

Wasiirrka ayaa ka hor inta uusan ka ababixin garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in safarkiisan uu yahay mid la xiriira ka qeyb-galka shir looga hadllayo xaalufta dhirta iyo nabaad-guurka iyo sidii looga hortagi lahaa oo lagu qabanayo dalka Turkiga.

‘’Shirkaas waa shir caalami ah waxaa ka soo qeyb-gali doona ama isugu imanaya ilaa 26 dowladood oo ay Soomaaliyana ka mid tahay, marka shirkaa ayaan ku sii jeedaa si aan uga qeyb-galno,’’ ayuu yiri wasiirrka.

Sidoo kale, wasiir C/qrisaaq Cumar Max’ed waxaa uu sheegay in shirkaasi lagu ururin doono sida uu sheegay dhaqaalle loogu talagalay dalalka ay ka jirto xaalufinta dhirta oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana uu sheegay dhaqaallahaas loogu abuurayo dadka fursado shaqo si ay uga baaqsadan jarista dhirta.

‘’ Ka qeyb-galka shirkaas Soomaaliya muhiim ayeey tahay, maxaa yeelay dalkeena dhibaato ba’an oo la xiriirta xaalufinta ama jarista dhirta ayaa ka jirta, sidaa daraadeed wax badan ayeey ka soo korarsan doonaa shirkaas, faa’idana waa inoogu jirtaa,’’ ayuu yiri wasiirrka Kheyraadka dalka.

Waa markii ugu horeeysay oo wasiir Soomaaliyeed uu ka qeyb-galo shir noocan ah tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay bur burtay dowladdii dhexe Soomaaliya.

Viewing photos

(read users comments or add a reply)

View full image

Comments are closed.