Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shacabkii ku Soo Banaabaxay Siiyay Jawaab wanagsan(Daawo Muuqaal+Warbiixn)

Photos were posted on 22 Jan 2013 at 11:56pm

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la sheegay inuu baaq u direy qaar ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka oo ku mudaaharaaday madaxweynaha xilligi uu booqasho ku joogay magaaladaas. 

Daawo Muuqaal Ahaan Jawaabta wanagsan oo Bixiyay Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhwaantaan booqday magaaladaas ayaa inkastoo ay kumaankun oo qofood ay si diiran ugu soo dhaweeyeen halkaas oo uuna u jeediyey qudbo dhinacyo badan taabaneysay ayaa waxaa sidoo kale dibada goobta uu madaxweynaha kula hadlaayey Soomaalidaas waxaa banaanbax ka dhigaayey qaar ka mid ah Soomaalida magaaladaas ku nool oo eedeymo kala duwan u soo jeedinaayey madaxweynaha hadaba gabagabadii qudbadiisa ayuu madaxweynuhu waxaa uu u jeediyey baaq Soomaalidaas dhigeysay mudaaharaadka asagoona u sheegay inuu ku faraxsan yahay inay fikirkooda ay ku soo bandhigaan banaanbax oo aysan soo qaadan qori ama aysan dagaal oogayaal noqon sida lagu yaqaanay oo caado ka noqotey dalka Soomaaliyeed madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa uu baaq u direy dadkaas oo uu sheegay inay wada kulmaan oo ay ka hadlaan waxa ay tabanayaan asagoona sheegay hadey saxsan yihiin inuu qaadan doono fikradooda oo uuna xaal marin doono

Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale uu ka hadlay hadalo la isla dhexmaraayey maalmo dhexdaasi islamarkaana ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliyeed taas oo ah inuu reer Hiiraan yiri sameysta maamul halka uu Jubooyinkana sheegay inay dowlada u sameyn doont arintaas oo uu madaxweynuhu beeneeyey oo uu gaashaanka u daruuray kuna tilmaamay waxba kama jiraan asagoona sheegay in ay duuban yihiin hadaladii uu ku hadlay xillligii uu booqashada ku joogay magaalada baladweyne.

Viewing photos

(read users comments or add a reply)

View full image

Comments are closed.