Saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan oo ka dalbaday dowladda in ay dayactirto xabsiga dhexe0 comments

By admin
Posted on 23 Jan 2013 at 12:01am
images (1)Saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in ay dayactirto xabsiga dhexe ee magaalada oo sida ay sheegeen uu ka muuqdo bur bur xoog leh.
Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo ah taliyaha saldhiga booliiska magaalada Baladweyne ayaa warbaahinta u sheegay in dhibaato xoog leh ka heysto bur burka xabisga, iyadoo aysan jirin ayuu yiri goob lagu hayo maxaabiista inta maxkamad laga horkeeno ama xitaa marka la xukumo.

‘’Dadka aan soo qabno waxaa ku heynaa saldhiga booliiska ilaa maxkamad laga horkeenayo, sidoo kale qofka marka la xukumo waxaa qasab ah lagu xiro saldhiga, madaama uusan jirin xabsiga oo hadda ah meel maxaabiis lagu aamin karin,’’ ayuu yiri taliyaha saldhiga booliiska magaalada Baladweyne.

Waxaa kaloo uu sheegay in ay jiraan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka dowladda ee gobollka Hiiraan oo fal danbiyeed ka gala dadka rayidka ah, sidaa daraadeed looga baahan yahay dowladda in ay sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamada ciidamada qalabka sida ugu soo dirto magaalada.

Hadalka ka soo yeeray taliyaha saldhiga booliiska magaalada Baladweyne ayaa imanaya xili magaalada ay ka socdaan howlgalo habeen iyo maalin ah oo ay wadaan ciidaamda dowladda iyo kuwa Jabuuti oo lagu xaqiijinayo nabad-galyada.

Read also
Advertisement

Comments are closed.