Waxaa maanta si rasmi ah xerada ciidamadii hore ee xoogga dalka Soomaaliyeed Lama-galaay ee magaalada Baladweyne uga furmay tababar saraakiisha ciidamada Jabuuti ay siinayaan maleeshiyaad iyo qaar ka mid ah ciidamada maamulka gobollka si ay uga mid noqdaan ciidamada qalabka sida Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxaha ka soo horjeeda dowladda.Tababarkan ayaa waxaa ka faa’ideysanaya ilaa 500 oo maleeshiyaad ah, kuwasoo ay tababarka siinayaan saraakiil qibrad sare leh oo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM.
Col Cismaan Dubad Sugule taliyaha ciidamada Ciidamada Jabuuti ee gobollka Hiiraan oo munaasabada furitaanka tababarka joogay ayaa sheegay in qorshahoodu yahay dhismaha ciidamada dowladda ee maamulka gobollka Hiiraan si ay u hantaan guud ahaan naabad-galyada gobolka.
Waxaa uu sheegay taliyaha in tababarkan uu socon doono mudo bil iyo bar marka ay soo dhameystaan tababarkana qeyb ka qaadan doonaan sugida amniga guud ahaan gobollka Hiiiraan.
Saraakiisha Jabuuti ayaa horay u tababaray boqolaal ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ah kuwaasoo hadda gacanta ku haya amniga magaalada Baladweyne oo isbadal weyn uu ka muuqdo.
- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.