Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danijre Augustine Mahiga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa beesha caalamka ka dalbaday in dhaqaale ay ku bixiyaan dhismaha ciidamada Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan inay la wareegaan ammaanka guud ee dalka.
Danjire Mahiga ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan awood badan u lahayn inay ciidamada Midowga Afrika ay kala wareegaan awoodda dalkooda oo qaybo ka mid ah ay weli ka taliso Al-shabaab.
“Ciidamada Soomaaliya haddii aan la siin tababarro ku filan awood uma yeelan doonaan inay awoodda kala wareegaan ciidamada AMISOM oo hadda gacan ku siiinaya dagaalka ay kula jiraan kooxaha nabadda kasoo horjeeda,” ayuu yiri danjire Mahiga.
Sidoo kale, Mahiga wuxuu yiri hadlakiisa: “Tababaridda ciidamada Soomaaliya waxay ku socdaan si gaabis ah, waxaan taas sabab u ah dhaqaale la’aan jirta.” Isagoo intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in tababarro loo siiyo ciidamadeeda si ay ula wareegaan ammaanka guud ee dalka.
Hadalka danjiraha ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay safiirro ka socda dalal caalamka qaarkood ay kulan kula yeesheen garoonka diyaaradaha Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada, kaasoo looga hadlay sidii loo sameyn lahaa hay’ad la socota halka ay ku baxaan deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya.
Dhanka kale, hadalka Mahiga ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dowladda Soomalaiya ay codsatay in xayiraadda hubka ee saaran laga qaado, si tababarro loo siiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayna awood ugu yeeshaan inay dalka oo dhan qabsadaan.
Read also- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.