Shir madaxeedka ayaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa xaaladaha ka taagan dalal ka mid ah qaarada Africa sida dalka Maali oo ay dhibaato xoog leh ku hayaan mucaarad islaamiyiin ah.
Madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud ayaa lagu wadaa in sidoo kale uu uga soo gudbo magaalada Addis Ababa dalka Belgaum iyo Masar halkaasoo uu kaga qeyb-gali doono shirar looga hadllayo arrimaha Soomaaliya.
Waa socodaalkii labaad oo uu madaxweynaha ku tago magaalada Addis Ababa waana markii ugu horeysay oo uu ka soo dhax muuqdo shir madaxeedka wadamada ku jira midowgga Africa tan iyo markii xilkaa loo magacaabay.