Saraakiil ka socotay ciidamada Jabuuti iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay maanta soo booqdeen garoonka dayuuradaha ee magaalada Beledweyne.
Xiriiriyaha ciidamada nabad ilaalinta AMISOM iyo dowlada Federalka Samatar Ducaale Nugul oo ka mid ahaa madaxdii maanta booqatay garoonka dayuuradaha ayaa waxa uu sheegay in garoonka Beledweyne ee Ugaas Khaliif uu ahmiyad gaar ah u leeyahay ciidamada Jabuuti iyo shacabka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan haatana uu yahay mid la balaariyay isla markaana si wanaagsan loo isticmaali karo.
Sidoo kale waxa ka hadlay dayactirka lagu sameeyay garoonka Ugaas Khaliif afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Maxamuud Nuur Cagajoof waxana uu u mahadceliyay ciidamada Jabuuti sida wanaagsan ee ay uga qeyb qaateen horumarinta gobolka Hiiraan.
Ballaarinta garoonkan ayaa suurtogelin kara in ay si wanaagsan u isticmaalaan dayuuradaha ciidamada Jabuutio iyo dayuuradaha kale ee rakaabka qaada. Hay’ada ICRC ayaa hirgelisey barnaamijka lagu ballaarinayay isla markaana lagu dayactirayay garoonka dayuuradaha ee magaalada Beledweyne.
Magaalada Beledweyne ayaa ka mid ah degmooyinka ay gacnta ku hayaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM waxana magaalada Beledweyne la wareegay maamulkeeda dhamaadkii sanadkii 2011kii ciidamo taabacsan dowlada Soomaaliya iyo ciidamo Ethiopian ah.
Read also- Somaliland oo dib u celisay Diyaarad Ogolaasho ka soo Qaadatay Dowladda Somalia oo ku degi lahayd Garoonka Hargeysa
- XIISADA BARIGA DHEXE IYO GO AANKA MASAR
- Maxaad ka taqaan madaxweynaha cusub ee dalka iiraan
- Beesha caalamka loo gudbiyey liiska qas-wadeyaal carqaladaynaya dowlada Somalia?(Yaa kamid ah Qaswadayaashaasi
- Ciidamada Kenya oo askar ka tirsan ciidamada dowladda ku laayay deegaanka Hoosingoow