Waxa laga dareemayaa magaalada ugu ballaaran bartamaha Soomaaliya ee B/Weyne horumar balaaran..

Photos were posted on 30 Jan 2013 at 4:08pm
Dadaal dheeraad ah oo ay bixiyeen saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa ciidamada aynu walaalaha nahay ee Jabuuti kadib waxaa lagu guuleystay in salka loo dhigo nabad-galyada magaalada Baladweyne oo ay hadda si buuxda ugu naaloonayaan dadka ku dhaqan.

Habeen iyo maalin waa isku mid, waxaadna arkeysaa dad ka kooban qeybaha bulshada oo xiliyada habeenkii ku caweynaya baararka magaalada iyo goobaha lagu xaqweeyo ee bulshadu isugu timaado.

Wey adag tahay in aad magaalada dhaxdeeda ku aragto qof hub isaga dhax sita, marka laga soo tago ciidamo si gaar ah loo tababaray oo u taagan oo kaliya in ay ka shaqeeyaan nabad-galyada, xitaa ciidamadaas suurtagal ma’aha in aad ku aragto dariiqyada magaalada iyaga oo aan wax howlgal ah ku jirin.

Kalsoonadii dadka ayaa dib u soo laabtay, waxaana ay iska iloobeen waayadii colaada ee soo maray, qof kastana waxaa muuqata in uu hadda si gaar ah ugu mashuulsan yahay danihiisa gaarka ah.

Waxaa kaloo xusid mudan in inta aad joogto magaalada Baladweyne ay adag tahay in dhagahaagu ay maqlaan wax rasaas ah 24 saac, haddiiba ay jirto in ay dhacdana markiiba waxaa ay dadka kuu sheegayaan in ay jirto sabab rasaastaas loo riday.

Daganaasha iyo nabad-galyada xiligan ka jirta Baladweyne waxaa ay sababtay in ay si tariib-tartiib ah dib ugu soo laabtaan adeegyadii bulshada sida garoonka diyaaraha Ugaas Khaliif oo xiligan si toos ah u howlgalay.

Ugu yaraan maalintii waxaa garoonka soo caga-dhigta ama ka soo dega ilaa labo diyaaradood, halka todbaad walba maalinta Talaadada ay si si joogta ah u yimaadaan duulimaadyada shirkado ka qaada islamarkaana keenay magaalada Baladweyne dad rakaab ah, taasoo ay kaga reysteen bulashada safarkii dhulka.

Waxaa toos hadda magaalada Baladweyne uga daga khaadka laga keeno magaaalada Nairobi ee gobollada dhexe loo iib-geeyo, kaa oo markii hore ka degi jiray degmada Guri-ceel ee gobollka Galguduud.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha Baladweyne Max’ed Ibraahim ayaa sheegay in markii ay shirkadaha qaarkood ku qanceen nabad-galyada iyo amniga buuxa ee ka jira garoonka iyo guud ahaan magaalada ku soo dhiiradeen in ay si joogta ah duulimaadyo uga soo dajiyeen garoonka.

Magaalada Baladweyne waa magaalo isku xirta ganacsiga gobollada dalka Soomaaliya, waxana todobadyadii ugu danbeeyay siweyn uga muuqanayay saxmad iyo mashuul badan, madaama ay soo galaan kana baxaan magaalada gadiid xamuul u sida qeybaha kala duwan ee dadka adeegka loo baahan yahay.

Saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xoojinta amniga magaalada Baladweyne oo marka la soo afjaro looga sii gudbi doono sida ay sheegeen qeybaha kale ee gobollka.

Viewing photos

(read users comments or add a reply)

View full image

Comments are closed.