Dowlada Somalia oo IGAD ka dalbatay inuu faraha kala baxo arimaha maamulka sameynta Jubooyinka0 comments

By admin
Posted on 31 Jan 2013 at 1:02pm

imagesWarar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dood adag oo ku saabsan arrimihii looga hadlay Shirkii aan caadiga ahayn ee 46-aad ee golaha wasiirada ee dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD ay ku yeesheen bishan Janaayo 23/01/2013 magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirkaasi oo uu shir guddoomiyey wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Tedros Adhanom ayna ka soo qeybgaleen wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Kenya Sam Ongeri, Suudaan Cali Axmed Kharti, Ugandha Sam Kutesa, Koonfurta Suudaan Luka Biong Deng, xogheynta guud IGAD Eng. Maxbuub Macalin, Madaxa AMISOM Yahamat Saleh Annadi iyo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa si weyn looga dooday 2 qodob oo ay soo jeedisay Soomaaliya, kuwaasoo ay ku dalbaneysay in iyada looga dambeeyo.

Sida warku sheegayo dowladda Soomaaliya ayaa waxay soo bandhigtay qodobo ay ka mid ahaayeen in faragelinta laga daayo gaar ahaan qorshaha maamul u sameynta gobolada loona madax baneeyo dowladda arrimaha maamul u sameynta gobolada dalka Soomaaliya iyo in dib loo eego arrimaha federaalka.
 
Labadan qodob oo ka mid ahaa qodobadii ugu xasaasiyadda badnaa ee wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowziyo miiska soo dhigtay ayaa falanqeyn iyo dood dheer ka dib lixda dalba isku raaceen in dowlada Soomaaliya ay fuliso qorshaha xasilinta iyo maamul u sameynta gobolada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya meeshana laga saaro qorshihii ay horey u diyaarisay IGAD qeybna ka ah qorshaha AMISOM ee Soomaaliya markii hore.

Qodobka 2aad ee ku saabsanaa dib u eegista arrimaha federaalka ayaa isaga warar kala duwan ka soo baxayaan waxayna wararka qaar sheegayaan in arrintan ay ka soo horjeesteen qaar ka mid wasiiradii shirka ka qeybgalay, halka warar kale ay sheegayaan in qorshaha dowladda ay ku qanceen oo ay taageereen iyadoo warar kale ay sheegayaan in qodobkaasi dib loo dhigay, qodabkan dambe oo doodiisu xasaasi aheyd isla mrkaasna yeeshay wajiyo badan oo kala duwan ayaa la sheegay in dalal ka mid kuwa IGAD ay ka soo horjeesteen in qodobkaasi la meelmariyo isla markaasna ay dowladdu fuliso oo keliya qodobka hore.

Wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in meesha laga saaray qorshe ay horey IGAD u diyaarisay oo ku saabsanaa xasilinta iyo maamul u sameynta gobolada Soomaaliya, iyadoo xusatay dowladaha IGAD ay qaar ku adkaatay in qorshahaasi meesha laga saaro, hase ahaatee ay hadda ogolaadeen qorshahaasi dowladda Soomaaliyana ay shirka horgeysay.

Intii shirku socday ay waxaa hadalo ka jeediyey wasiiru dowlaha arimaha dibadda ee Talyaaniga Staffan De Mistura iyo madaxa Guddiga Golaha amaanka ee Midowga Afrika Ramtane Lamamra.

Read also
Advertisement

Comments are closed.