Haween ka mid noqonaya ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed oo tababar loo furay0 comments

By admin
Posted on 01 Feb 2013 at 1:25pm
dsc04057magaalada Baladweyne tababar looga furay tiro haween ah oo sida la sheegay ku biiri doona ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa oo tababarkan bixinaya ayaa sheegay in tiradan haweenka ah yihiin kuwo iskood u goostay in ay ka mid noqdaan ciidaamada xoogga dalka Soomaaliyeed, tababar looga furay xerada Lama-galaay ee magaalada Baladweyne.

Goobta uu tababarka uga furmay haweenka ayaa maata waxaa gaartay oo booqatay marwada guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan islamarkaana ah Qusulka dhinaca siyaasada Soomaaliya u qaabilsan safaarada dowladda Itoobiya Markan Max’ed Cabdul.

Waxaa ay sheegtay Maryan in ay aad ula dhacday warka ku saabsan in magaalada Baladweyne tababar looga furay sida ay sheegtay haween ka mid noqonaya ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
‘’Runtii sababta igu kaliftay in aan idin soo booqda waxaa ay tahay in aan ku faraxsanahay aragtida haween loo tababarayo in ay ka mid noqdaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waa wax lagu farxo arintaa iyada ah,’’ ayeey tiri Maryan Max’ed Cabdul.

Waxaa ay sheegtay in dhawaan sida ugu dhaqsiyaha badan haaweenkaas lagu soo gaarsiin doono dareyskii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyadoo dhinaca kalana sheegtay in bil kasta ay jeebkeeda ka siin doonto lacag $50 doolar ah mid kasta oo ka md ah haweenka tababarka qaadanaya taasoo aan ka mid aheyn sida ay sheegtay mishaarkooda.

Booqashada ay ku tagtay xerada Maryan Max’ed Cabdul waxaa ku wehlinayay saraakiil ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa oo bar bar taagnaa xili ay hadal u jeedineysay haweenka.

Read also
Advertisement

Comments are closed.