Raisal wasaaraha Soomaliya iyo wafti uu hogaaminayo oo saaka gaaray Baladweyne (Sawiro)

Photos were posted on 06 Feb 2013 at 2:10pm

Wafdi uu hogaaminayo R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha oo isug jiray Wasiiro iyo kuxigeeno ayaa waxa ka mid ahaa: Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka Mudane C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/shakuur Cali Mire.

Sidoo kale wafdigga la socda R/wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Rooble, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiil ka kala tirsan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaanna dalka Jabuuti.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyn kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Mudane C/fitaax Xasan Afrax, ku xigeennadiisa, maamulka magaalada Beledweyn, waxgarad, odayaal, siyaasiyiin, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyn.

Sidoo kale, waxaa R/wasaaraha wax kasoo dhaweeyey saraakiisha hogaamisa ciidamada Jabuuti ee ku sugan Baledweyen, iyadoo markii uu ka dagay garoonka diyaaradaha waxa uu salaan sharaf gudaha garoonka kaga qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Jamhuuriyadda Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

Hoos ka daawo qaar kamida sawirada Waftiga Airport looga qaaday, inkastoo aan wali so wadno qar kale oo gudaha ah xiliyadii ay kulamada sameynayeen iyo cidey la kulmeen iyo waxii laga wada hadlay oo qoraal ah.

Viewing photos

(read users comments or add a reply)

View full image « Previous Photo Next Photo »

You are viewing image number 1 of total 2 images.

View full image « Previous Photo Next Photo »

You are viewing image number 2 of total 2 images.

Comments are closed.